Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo qaadayo tallaabo ka dhan ah duqeymaha ISRAEL ee Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   
Netanyahu-Bin-Salman.jpeg?fit=2500%2C160

Riyadh (Caasimada Online) – Bayaan maanta ay soo saartay dowladda Sacuudiga, ayaa waxay ku sheegtay in Sacuudiga uu taageerayo Lubnaan, iyadoo dhanka kalana ku baaqday in la ilaaliyo “madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed” ee Lubnaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay, inay isha ku hayeen dhacdooyinka muddooyinii u dambeeyay ka dhacayay dalka Lubnaan, ayna ka ‘walwalsanaayen’ in kastoo Sacuudiga uusan ka hadlin dilki hogaamiyaha Xisbullah, Xassan Nasrallah.

Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga gobolka, ayna ka hor tagaan falalka hor seedi karaa xaalado bini’aadanimo.

Dhinaca kale, duqeymaha Israa’iil ee sii socda ayaa laga yaabaa inay ilaa hal milyan oo qof ku qasbaan inay ka barakacaan guryahooda guud ahaan dalka Lubnaan, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati.

“Waa barakaca ugu weyn ee abid laga cabsi qabo inuu dhaco,” ayuu yiri Mikati.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in in ka badan 50 qof ay ku dhinteen duqeymihi Axaddii, laba maalmood ka dib markii Israa’iil ay Beirut ku dishay, hogaamiyihii kooxda Xisbullah, Xassan Nasrallah, Ha yeeshe Xisbullah ayaa gantaallo dheeri ah ku tuurtay waqooyiga Israel.

Dhanka kale, Israel ayaa sheegtay inay fulisay “duqeymo ballaaran” oo lagu beegsanayo, bartilmaameedyada milatari ee xuutiyiinta dalka Yemen oo Iran ay taageerto.

The post Sacuudiga oo qaadayo tallaabo ka dhan ah duqeymaha ISRAEL ee Lubnaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this