Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo mamnuucday Xaalufinta Khayraadka badda degaannada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
puntland_coat-1159x720-1.jpg?resize=1000

Dowladda Puntland ayaa go’aan mamnuucis ah ka soo saartay xaalufinta khayraadka badda ee degaannada Puntland.

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa shaacisay in ay mamnuucday xaalufinta kheyraad ku jira Badda kadib go’aan ay soo saartay.

Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa sharci ku tilmaantay go’aanka ay soo saartay ee lagu mamnuucayo xaalufinta iyo waxyeelaynta khayraadka Badda.

Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay shir ka dhacay Xarunta Wasaaradda Kallumaysiga ee Magaalada Boosaso kaasi oo ay ka qayb galeen, Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.

FB_IMG_1727695141601.jpg?resize=720%2C84 FB_IMG_1727695145554.jpg?resize=720%2C84

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo mamnuucday Xaalufinta Khayraadka badda degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this