Sign in to follow this  
General Duke

Renewd clashes in Mogadishu...

Recommended Posts

Dagaal galabta ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho- 29.April.2006

 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta deegaanka Waxar Cade ee waqooyiga Muqdisho ay dagaal fooda

is dareen laba maleeshiyo oo kala taabacsan midowga Maxkamada Islaamiga iyo Isbahaysiga lamagac baxay la dagaallanka argagixisada.

 

Dagaalkan waxaa la sheegay inuu ka qarxay agagaarka Masjidka al-Hudaa ee deegaanka waxar Cade ee degmada Huruwaa, waxaana la sheegay in labada dhinac ay iswaydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu sababay dhimasho iyo dhaawac walow aan la xaqiijin ilaa iyo iminka tirada dadka ku waxyeelloobay dagaalkaasi.

 

MM Dhoore

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

isad ka taagan degmada Huriwaa ee Muqdisho

Last Updated::2006-04-29 22:55:51 E. Africa Standard Time

 

Muqdisho:- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Waxar-Cade ee degmada Huriwaa ayaa tibaaxaya in halkaasi uu maanta ka dhacay iska horimaad hubeysan.

 

Iska horimaadkan ayaa lagu waramayaa inuu dhexmaray labo maleeshiyo oo kala taageera Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada iyo Midowga Maxkamadaha.

 

Illaa iyo hada lama hubo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi maanta gelinkii danbe ka dhacay deegaanka Waxar-Cade.

 

Labada dhinac ayaan wax war ah kasoo saarin iska horimaadkan ugu danbeeyey ayadoo ay sidoo kale jirto xiisad kale oo ka taagan deegaanka KM4 halkaasi oo ay sidoo kale isku horfadhiyaan maleeshiyooyinka kala taageera labadaasi garab.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this