Sign in to follow this  
General Duke

Puntland at war with Mudug based Pirates...

Recommended Posts

Wasiir kuxigeenka arrimaha Gudaha Puntland Oo Ka Hadley Iska Horimaadkii Ka Dhacay Garacad

October 11, 20103 comments| leave your own!Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha iyo Dawladdaha hoose ee Dawladda Puntland ayaa ka hadlay iska horimaadkii maanta dhexmaray Ciidamo ka tirsan Puntland oo u horkacaayay Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda iyo kooxo Burcadbadeed Soomaali kaas oo ka dhacay agagaarka degmada Garacad ee gobolka Mudug.

 

Dhegayso Wasiirkuxigeenka arimaha gudaha oo ka waramaaya shaqaaqadii ka dhacdey Garacad

 

 

Podcast: Play in new window | Download

 

 

Mudane Cali Yuusuf Xoosh oo Shir jiraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegay in iska horimaadka uu ku dhintey mid kamid ah ilaalada isla markaana ay ku dhaawacmeen labo kale Wasiirka dekaddaha Puntland kadib markii kooxo Burcadbadeed ay u galeen jidka u dhaxeysa degmada Jariiban iyo Garacad.

 

Wuxuu sheegay in Wasiirka dekaddaha uu degmada Jariiban u tegay sidii Odeyaasha dhaqanka iyo dadka degaanka uu kala kaashan lahaa la dagaalanka Burcadbadeeda oo ay Dawladda Puntland hore u sheegtay in dagaal adag la galayso.

 

Mr.Cali Xoosh ayaa sheegay in ciidanka Puntland markii ay dib uga soo noqdeen Garacad oo ay kusoo jeedeen Jariiban rasaas ay fureen uu ku dhintey hal qof oo Odey ah isla markaana ay ku dhaawacmeen labo kale oo shacab ah.

 

Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay aad uga xunyihin falkaas isla markaana tibaaxay in talaabo adag laga qaadi doono kooxaha Burcadbadeeda.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

This is unbelievable news, Puntland will now show these Pirates in Mudug that what happened in Galgala can be repeated. Criminals cannot run free like this.

 

President Faroole needs to return immediately and solve this problem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This fight all Puntlanders can support. You can't turn a blind eye to pirate criminal organizations and expect that they will not turn their guns against the govt. Garaad and Eyl needs to be shutdown immediately or Faroole will loose credibility on the pirate issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo ka hadashay Weerar loogeystay mid ka mid ah Wasiirada DPL

 

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Maanta Shaqaaqooyin ka dhacay deegaanka Jariiban halkaas oo kooxo hubeysani ay ku rasaaseeyeen Gaadiid uu la socday Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumeysiga Puntland Siciid Maxamed Raage, isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo halkaasi u tagay howlo ku aadan Wacyigelinta Burcad badeeda.

 

Wasiirku xigeenka wasaarada Arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Cali Yuusuf (Cali xoosh) oo shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa ka warbixiyay Falkaasi .

 

Waxa uu saxaafada u sheegay Wasiir ku xigeenku in Wasiirka iyo wafdigiisa oo u tagay Wacyigelen deegaanadaas ay kooxo burcad ah oo sida uu sheegay ka yimid dhanka koonfurta ay meel u dhexeysa garacad iyo Jariiban ku weerareen halkaasna ay ku dileen mid ka mid ah Ilaalada Wasiirka halka 2kalena ay ku dhaawacmeyn .

 

Xaalada Deegaanka ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa waxay tahay mid degen iyadoona uu isaga yimi wasiirka iyo Ilaaladiisii, mana jiraan wax xiisad iyo is urursi ay sameynayaan Kooxohii weerarka geystay oo ahaa kuwo Burcad badeed ah

 

Ugud ambeyntii Maamulka Puntland ayaa arintani waxa uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeeynayo Amaanka Puntland gaar ahaan deegaanada ay nabadu ka jirta.

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Puntland State is dealing with things head on, its already curbed the power of the AL Shabaab, and now wil turn to the last Pirate base in the state.

 

Its a tough job, but the state is up to the job.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this