Sign in to follow this  
Deeq A.

Sucuudiga oo dadaal dheer ugu jira sidii loo heli lahaa dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhistay isbaheysi caalami ah oo ka shaqeyn doona sidii loo afjari lahaa dagaalka marinka Qasa, islamarkaana loo heli lahaa laba dowladood oo Israa’iil iyo Falastiin kala ah .

wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Amiir Faysal bin Farhan Al Saud, oo ka hadlay magaalada Newyork oo uu ka socda shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York ayaa xaqiijiyay dadaalka ay wadaan iyo dalalka qeybta ka ah.

Isbaheysigan uu Boqortooyada Sucuudiga dhistay ayaa waxaa ku jira dalal dhowr oo Carab iyo Muslimiin ah iyo saaxiibo reer Yurub ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la shaacin magacyada dalalka.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in kulamada ugu horreeya ee isbaheysigaasi ay ka dhici doonaan magaalooyinka Riyadh iyo Brussels.

Ka dib markii bishii October 2023 uu qarxay dagaalka marinka Qasa ee u dhexeeya maamulka Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas Sacuudi ayaa hakiyay qorshe uu Maraykanku waday oo ku saabsan in boqortooyadu ay xiriir la yeelato Israa’iil, ayadoo arrintaas ku xirtay in la helo qaran madax-bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this