Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabaab oo saldhigyo cusub ka sameystay deegaano aad ugu dhow Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab-1-Shabab.jpeg?fit=960%2C579&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka aag bedelatay saldhigyadii ay ku lahaayeen daafaha magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada suga amniga caasimada ay dhankooda u ruuqaansadeen.

Al-Shabaab ayaa dareemay culeys uga yimid ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, waxayna sameysteen saldhigyo cusub oo Muqdisho aan ka fogeyn.

Kooxdii laga saaray daafaha ayaa saldhigyo ka sameysatay deegaano dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo lagu magacaabo Beerta Cali Mahdi, Ceelshaanle, Dareerta, Faadadiir iyo deegaano kale.

Al-Shabaab waxay Khamiistii shalay aagga Beerta Cali Mahdi ku xayireen ku dhowaad 40 gaadiidka dadweynaha ah, iyagoo ku xujeeyey inay dalbadaan damiin gudaha Al-Shabaab la yaqaano.

Dadka ku nool deegaanadaas ayaa noo sheegay inay arkeen dagaalamayaal badal oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanadaas soo dhoobtay oo dadka weydiinaya halka ay u socdaan iyo cida damiinka ka ah, sidoo kale waxay gaadiidka u baaraan si adag.

Kooxahaan ayaa sameystay aag aysan u ogoleyn shacabka, ganacsatada Muqdisho iyo dadka u dacwooda ayey ku balamiyaan aagga beerta Cali Mahdi iyo dhul beeraley ah oo u dhow degmada Afgooye.

Kooxdaan ayaa halis weyn ku ah amniga caasimadda, inkastoo ciidamada ammaanka ay baxeen oo deegaansadeen daafaha Muqdisho, hadana Al-Shabaab ayaa ka aag bedeshay fariisimahoodii hore.

Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in kooxdaan aysan ka harin oo looga dabatago dhulka howdka ah ee u dhow degmada Afgooye, si khatartooda looga badbaadiyo shacabka Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow, sida Afgooye.

The post Xog: Al-Shabaab oo saldhigyo cusub ka sameystay deegaano aad ugu dhow Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this