Cowke Posted May 20, 2010 Xildhaabanada Baarlamaanka Federaalka oo u hanbalyeeyay Raysalwasaare Sharmarke May 20, 2010 Kadib markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dib uga laabtay go’aankii uu ku kala dirayay Xukuumada uu hogaaminayo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa waxaa si weyn looga dareemay qeybaha kala duwan ee Dowladda, gaar ahaaana Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xarumaha Wasaaraddaha iyo Baarlamaanka. Xildhibaanadii ugu faraha badnaa ayaa soo buux dhaafiyay guriga Ra’iisal Wasaaraha iyagoo si weyn ugu hambalyeeynayay Ra’iisal Wasaaraha oo isaguna ay wajigiisa ka muuqatay farxad aad u weyn. Xildhibaano uu ku jiray Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlaamaanka Xaaji Shukri Sh. Axmed ayaa si weyn ugu hambalyeeyey waxaana sidoo kale soo buux dhaafiyay xafiiskiisa Golihiisa Wasiirada oo iyagu muujiyay inay aad ugu faraxsan yihiin go’aankan madaxweynaha ee ka laabashada kala diristii Xukuumada iyadoo sidoo kalena uu joogay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii 2-aad ee Baaralamaanka. Guriga uu degan yahay Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa hal mar si wada jir ah loo soo buux dhaafiyay, waxaana jiray agaasimeyaal xoghayeyaal joogto, safiiro, Siyaasiyiin iyo waxgarad fara badan oo iyaguna hambalyada qeyb ka ahaa. Sidoo kale, dhamaan shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa iyaguna marxabeeyey si wada jir ahna ku yiri “Ra’iisal Wasaare jir oo joog”. Dhinaca kale, arrinta ayaa ah mid soo afjareysa khilaafkii ugubka ahaa ee soo jiray todobaadyadii ugu dambeeyey taasoo la dhalatay khilaaf soo kala dhex galay guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumada Ra’iisal Wasaare Sharmarke. Garaad Salaad Xirsi E-mail: garaadcadde@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites