Jacaylbaro Posted September 15, 2009 Israsaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta qaar ka mid ah masuuliyiinta isku heysta Maamulka Galmudug ku dhexmartay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka laga helayo hoteelka MBC oo ku yaala Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday shaqaaqo la sheegay in ay u dhaxeysay maleeshiyaad uu watay gudoomiye ku xigeenka Barlamanka ee Maamulka Galmudug Garabka uu hogaaminayo Max’ed Axmed Caalin iyo sargaal ka tirsan Maamulka kale ee uu hogaaminayo Axmed Shariif Cali Hilowle. Israsaaseynta oo dhex martay ciidamo ay kala wateen masuuliyiintaasi ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyooday hal qof halka labo kalana ay ku dhaawacmeen sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen saraakiisha Caamifaadka ee isbitaalka koofureed ee Magaalada Gaalkacyo. Jawiga halka ay israsaaseyntu ka dhacday ayaa la sheegay in ay in mudo ah kacsaneyd,waxaana la sheegayaa in qilaafka ka dhaxeeyay labadaasi masuul uu ahaa mid in mudo ah soo jiitamayay hase ahaatee maanta ay keentay in ay isku rasaaseeyaan bartamaha Magaalada Gaalkacyo. Israaseynta labadaani masuul ayaa waxaa ay timid kadib markii ay isku qabsadeen sugida Amaanka Hoteelka MBC oo la sheegay in ay ku shirayeen islmarkaana lagu heshiisiinayay beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoostaga gobolka Mudug,waxaana la sheegay in xilikaasi kadib ay rasaas is weydaarsadeen ilaalada labada Masuul. Arintaani ayaa waxaa ay imaanaysaa xili Masuuliyiinta isku heysta Mamulka Galmudug mudooyinkii ugu dambeeyay ay warbaahinta isku dhaafsanayeen hadalo lidi isku ah kuwaasi oo si weyn looga hadal hayay magaalada Gaalkacyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites