Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare xamse oo khodbad dheer ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khodbad ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wuxuu uga hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan Soomaaliya iyo caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin bulsho Illaahay ugu deeqay dhul dihan, islamarkaana fursadaha badani ay Soomaaliya ka bannaanyihiin, asagoo xusay in loo baahanyahay dunidu iskaashato si looga faa’iidaysto hormarka casriga ah ee Teknoolajiyadda iyo maalgashiga.

Sidoo kale wuxuu khodbaddiisa diiradda ku saaray xasradaha dunida ee sii kordhaya, asagoo sheegay in caalamku uu wajahayo halis aan horay loo arkin.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan magaalada Newyork ayaa halkaas ka wada kulamo uu la yeelanayo wufuudda ka qeyb-galaysa kulanka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiinta dalka mareykanka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this