Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ruushka oo war cusub kasoo soo saaray adeegsiga hubka nukliyeerka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in Ruushku si taxadar leh u tixgalinayo doonno weerar kaga yimaado dal aan Nukliyeer lahay oo ay taageerayaan mid ku hubaysan hubka Nukliyeerka inuu yahay “Weerar wadajir ah”, taas oo loo fasiran karo khatar ah in hubka Nukliyeerka loo adeegsado dagaalka Ukraine.

Hadalo muhim ah oo uu jeediyay habeennimadii Arbacada ayuu madaxweynaha Ruushka ku sheegay in dowladdiisa ay ka fiirsaneyso in ay wax ka bedesho sharciyada iyo shuruudaha horudhaca ah ee uu Ruushka u adeegsan doono hubkiisa Nukliyeerka.

Ukraine waa dal aan nukliyeer ahayn oo taageero militari ka hela Maraykanka iyo dalalka kale ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka.

Hadalladiisa ayaa imaanaya iyadoo Kyive, ay raadinayso in ogolaansho u hesho in gantaalada riddada dheer ee ay ka heshay dalalka galbeedka goobaha militariga Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa todobaadkan u safray dalka Mareykanka, waxaana lagu wadaa in Khamiista uu magaalada Washington kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, halkaasoo la filayo in codsiga Kyiv uu noqdo ajandaha ugu sarreeya.

Ukraine ayaa sanadkan ku siqday dhulka Ruushka, waxayna doonaysaa inay beegsato saldhigyo ku yaalla gudaha Ruushka oo ay sheegtay inay gantaallo looga soo rido Ukraine.

Isagoo ka jawaabaya hadalka Putin, madaxa xafiika shaqaalaha ee Zelensky Andriy Yermak, ayaa sheegay in Ruushku “aysan hadda haysan wax aan ahayn cagajugleyn nukliyeerka ah si ay u cabsi geliyaan caalamka”.

Putin ayaa horey ugu hanjabay isticmaalka hubka Nukliyeerka. Ukraine waxay ku dhaleecaysay inay tahay “hanjabaad ciidan oo xooggan” si ay uga hortagto xulafadeeda inay bixiyaan taageero dheeraad ah.

Shiinaha oo xulafo la ah Ruushka ayaa sidoo kale ku baaqay in la dejiyo xaaladda, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in madaxweyne Xi Jinping uu uga digay Putin isticmaalka hubka Nukliyeerka.

Laakiin Arbacadii, ka dib markii uu la kulmay Golihiisa Ammaanka, Putin wuxuu soo jeediyey ballaarinta qorshihisa kakan.

Ruushka

Xigashada Sawirka,Getty Images

Caqiiddada cusub ee nukliyeerka ayaa “si cad u dejin doonta shuruudaha Ruushka si uu ugu wareego isticmaalka hubka nukliyeerka,” ayuu ka digay – wuxuuna sheegay in xaaladahan oo kale ay ka mid yihiin gantaallada caadiga ah ee ka dhanka ah Moscow.

Waxa uu sheegay in Ruushku uu ka fiirsan doono “suurtagalnimadan” uu ku isticmaalayo hubka Nukliyeerka ah, haddii ay ogaadaan in la daahfuro in mowjado gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu rido dalkoda, taasoo soo bandhigtay “khatarta halista ah” ee ku wajahan madaxbannaanida dalkaas.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaa la soo jeediyay in gardarada ka dhanka ah Ruushka ee waddan kasta oo aan Nukliyeer lahayn balse garab ka hela mid ku hubaysan Nukliyeer ah, loo tixgeliyo weerarkooda wadajirka ah ee Ruushka.”

Hubka nukliyeerka ee waddanku waxa uu ahaa “dammaanad qaadka ugu muhiimsan ee amniga qarankeena iyo muwaadiniintiisa”, hogaamiyaha Kremlin ayaa sheegay.

Tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka, wadamada ku hubaysan hubka Nukliyeerka waxay ku hawlanaayeen siyaasad ka hortag ah, taas oo salka ku haysa fikradda ah in haddii dawladaha dagaalamaya ay qaadaan weeraro waaweyn oo Nukliyeer ah ay horseedi doonto burbur la wada hubo.

Ruushka

Xigashada Sawirka,Reuters

Laakiin waxa kale oo jira hub nukliyeer ah oo taatikada ah kuwaas oo ah madaxyo yar yar oo loogu talagalay in lagu burburiyo bartilmaameedyada isagoon dhalin wax shucaac ah oo baahsan.

Bishii Juun, Putin wuxuu digniin u diray waddamada Yurub ee taageeraya Ukraine, isagoo sheegay in Ruushka uu haysto “hubka nukliyeerka ah oo badan inta taalla qaaradda Yurub, xitaa haddii Maraykanku uu la wareego tooda.”

“Yurub ma laha nidaamka digniinta hore oo horumarsan,” ayuu raaciyay. “Marka la eego waxay yihiin kuwo aan difaac lahayn ama ka yar.”

Waqtigaas waxa uu ka dhawaajiyay in isbedel lagu sameeyo caqiidada Nukliyeerka ee Ruushka – dukumeenti qeexaya shuruudaha ay Moscow ku isticmaali doonto hubka nukliyeerka.

Ruushka ayaa dagaal muddo labo sano socda ka wada gudaha dalka Ukraine kaas oo dhaliyey saamayn caalami ah.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this