Sign in to follow this  
Deeq A.

Miyiga Sanaag ilaa Mareykanka: Sida uu Carafaat muddo kooban ku gaaray horumar weyn

Recommended Posts

Deeq A.   
d8ae1f60-7b1e-11ef-9617-cff57bf511c9.jpg

Wuxuu ku dhashay miyiga gobolka Sanaag sanadkii 2008-dii, qoyskiisu waxay ahayeen reer guuraa xoolo-dhaqato ah hase yeeshee ay saameeyeen isbeddelada cimilada oo ku qasbay qoyskiisa inay u soo guuraan tuulooyinka gobolka Sanaag.

Carrafaad Maxamud Jaamac, waa da’yar dadaal shakhsiyadeed ku hiigsaday nolol hiilaad leh ka dib markii muddo ku siman afar sano oo keliya uu isaga gudbay miyiga Sanaag, magaalada Hargaysa ilaa Maraykanka oo hadda uu ku joogo fursad deeq waxbarasho ah.

Wuxuu BBC-da u sheegay in yaraantiisii ilaa lix sano jir uu ku noolaa miyiga, hase yeeshee intii baraar raaca uu ahaa aysan marna niyaddiisa ka bixin inuu maalin uun helo fursad waxbarasho oo naftiisa ku hormarin karo.

“Madaxayga ayey ka guuxaysay inaan mar uun waxbarashada bilaabo oo miyiga ka tago,”ayuu yiri Carrafaad.

Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay gateen arigii ay haysteen dabadeedna ay u soo guureen Ceel-Afweyn oo ay guri ka dhisteen, halkaasna uu ka bilaabay waxbarashiisa asaasigaa ah.

Sanadkii 2015-kii ayuu Carrafaad waxbarashada dugisga hoose ka bilaabay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Carrafaad

Xigashada Sawirka,Carrafaad

Markii uu ku jiray fasalka lixaad ee dugsiga dhexe ayuu Carrafaad maqlay fursad kale oo isaga u noqotay mid yoolkiisa uu ku gaari karo.

“Waxaan ku war helay in Iskoolka Abaarso uu arday ka qoranayo Somaliland oo dhan, oo Ceel-afweyn imaanayaan, waan usii diyaar garoobay oo an galay imtixaanka waana ku guuleystay,” ayuu BBC-da u sheegay Carafaad.

Burburkii qoyskiisa

Markii qoyskiisa ay u soo guureen tuulada ayna ka yimaadeen miyiga waxaa Cafaraad uu sheegay in nasiib darro ay kala tageen labadiisa waalid.

Hooyadiis ayuu sheegay inay lafdhabar u ahayd nolashiisa oo ay ganacsi yar oo ay lahayd uu ku tiirsanaa qoysku.

Wuxuu BBC-da u sheegay saamaynta arrintaasi isaga ku yeelatay.

“Wallaahi markii aan arkay xaaladda qoyskeyga waxay igu sababtay inaan u dhabar adaygo waxkasta, oo aan nin iska soo saaro oo nolosha si fiican ula dagaallamo oo meel iska soo saaro ayey igu kaliftay oo u dhabar adaygo,” ayuu yiri Carrafaad.

Wuxuu sheegay inay jiraan walaalihiis iyagana waxbarasho loo geeyey magaalooyin ay ka mid tahay Burco.

Aabbihiis ayuu sheegay inuu hadda ku nool yahay dhulka gubadka ah oo uu ka shaqaysto beeyada

Ayaamihiisii Abaarso

ABAARSO

Xigashada Sawirka,Abaarso School

Carrafaad, wuxuu ku guulaystay imtixaanaadkii uu u galay Iskoolka Abaarso markaana wuxuu galay safar kale oo waxbarasho iyo nolol kale oo ka duwan tii tuuladiisa, wuxuu in ka badan 500 Kilimitir soo galay safar dhulka ah oo ka soo bilaabay Ceel-afweyn isagoo soo gaaray Hargaysa.

Nolosha markan uu galay Carafaad waa ka duwan tahay tiisii hore sababtoo ah wuxuu galay Iskool waxbarasho iyo Jiifle isku ah.

Abaarso, waa halka da’ayarkan ka dhigtay inuu u furmo hayaan nololeed oo iftiin leh. Magaalada Abaarsao oo 15-kilimitir galbeed ka xigta Hargeysa , waa halka uu ku yaallo Iskool Abaarso oo ay dhigtaan arday kuna nool yihiin.

Carafaaad wuxuu BBC-da u sheegay in maalmihii kowaad ay waxwalba ku adkaayeen dhanka waxbarashada iyo deegaankaba basle markii danbe uu dadaal ka dib la qabsaday.

“Waxbarashadu aad bay u kala duwanayd Abaarso iyo meeshii hore ee an ka soo dhigan jiray, oo dee iskoolkan wuxuu ku baxayaa luuqada Ingiriiska anniguna si fiican uma aqoon Ingiriiska barigaas. Iskoolkii hore waxaa laga yaabaa in 50 arday aad ahaydeen oo macallinku sabuura ku dhigo casharka oosan kula hadlin laakiin halkan dugisgan cusub waxa laga yaaba in fasalkii shan iyo tobban ruux yahay oo macallinka kula hadlayo, xiriir fiican kula leeyahay, su’aalo ku waydiinayo.” ayuu yiri Carafaad.

Iskoolka Abaarso, wuxuu Carafaad ka sii watay waxbarashadiisa isagoo ka bilaabay fasalka toddobaad ilaa uu ka gaarayey fasalka kowaad ee dugsiga sare.

Hibadiisa kale ee Abaarso ku soo baxday

Carrafaad

Xigashada Sawirka,Carrafaad

Qoraalka sawirka,Carrafaad iyo saaxiibadiis oo ku orod tababar ah ku qaadanaya Abaarso

Carrafaad Maxamuud Jaamac, markii uu joogay Ceel-afweyn iskuma ogayn inuu leeyahay hibo dhanka orodka ah basle markii uu yimi Abaarso wuxuu xiisayn jiray ciyaarista kubada cagta.

Isagoo galab u ciyaaraya koox kubad cagta kana dheelaya garabka ayuu arkay mid ka mid ahaa macallimiintiisa Iskoolka Abaarso sida uu u ordayo Cafaraad. Halkan ayey ka bilaabanaysaa sheekada kale ee hibadiisa kale ee soo baxday…..

“Labadii sano ee ugu horreysay ee an dhiganayey Iskoolka waxaan aad u ciyaari jiray kubadda cagta”ayuu yiri

Macallinka galabtaas arkaya Carafaad, waa macallinkiisa xisaabta balse wuxuu sidoo kale ahaa tababare orod oo ka yimi dalka Canada oo Soomaali ah. Sidoo kale macallinka qudhisa walaalkiis ayaa ka mid ah orodyahanada u orda dalka Canada.

“Wuxuu i arkay inaan aad u ordayo oo dhalinyarada kale ka dheeraynayo oo aannan xiiqayn, markaas ayuu igula taliyey inaan dhanka orodka ku fiicnahay iina noqon karo fursad kale oo waxbarasho ku heli karo” ayuu BBC-da u sheegay Cafaraad.

Macallinkiisu wuxuu u sheegay in haddii uu xoogga saaro dhanka orodka uu ku heli karo deeq waxbarasho oo dibada ah. Gudaha Soomaaliland ayuu markii danbe kaga qayb galay tartamo orodka intaas ka dibna uu horumar ka sameeyey orodka. Hibadiisa danbe waxay hilaac u noqotay hayaan kale oo noloshiisa ah

Hargaysa

Xigashada Sawirka,Carrafaad

Qoraalka sawirka,Hargeysa iyo Ttartan orodka oo ka qayb galay Carrafaad

Abaarso ilaa Ameerika

Carrafaad

Xigashada Sawirka,Carrfaaad

Sida uu BBC-da u sheegay Carafaad Maxamuud, waxbarashada ayuu sidoo kale foolaad ka ahaa ardaydii uu wax la baranayey isagoo kaalimaha hore ka galay imtixanaadka iskoolka Abaarso.

Iskoolkiisa ayuu sheegay inuu bixiyo fursado waxbarasho oo dibada ah oo uu siiyo ardayda kaalimaha hore ka gala waxbarasha basle ay isaga ay u dheerayd inuu lahaa hibo dahabi ah oo u sahli karta in albaab kale u furmo.

“Waxaa la soo doortaa ardayda xagga dhibcaha ugu fiican, aniga waxaa i caawiyey anigoo waxbarashayda ku fiicnaa waxaa ii sii dheeraa xagga orodka oo aan ku fiicnaaday, markaa waxaa dhacday in ay i ogaadaan macallimiin jooga Iskoollo ku yaalla Maraykanka oo ay ila soo hadlaaan oo ay i dhaheen inaan Iskoolkayaga soo xeraysatid oo aan fursad ku siino waxbarasho ayaan rabnaa” ayuu yiri Carafaad.

Macallimiinta Iskoolka Maraykanku wuxuu BBC-da u sheegay Carafaad inay la soo xiriireen macallinkiisa ka caawiyey inuu orodka ka dhigto waxaa u labeeya waxbarashadiisa.

“Markii na xareeyey ee an dhammaan wixii ayga baahnaayeen dhan sameeyey, macallimiinta xagaa Maraykanku waa i caawiyeen oo waa ii fududeeyeen”ayuu yiri Carafaad.

Markii uu fursadan waxbarasho ee Maraykanka uu helay Cafaraad, wuxuu dhiganayey fasalka kowaad ee dugsida sare ee Abaarso.

Waligiis diyaarad ma raacin, basle safarkan waa mid kale oo ku cusub Carafaad, wuxuu galay duulimaad dhowr iyo tobban saacadood ah oo ku gaaray Maraykanka iyo machadka Deerfield Academy oo ku yaalla gobolka Massachusetts.

Wuxuu Maraykanka ka sii waday halkii uu ugu tagay Abaarso isagoo hadda dhigta fasalka tobnaad ee dugsiga sare ee iskoolka Deerfield Academy oo ah mid si gaara loo leeyahay.

Carrafaad

Xigashada Sawirka,Carrafaad

Qoraalka sawirka,Carrafaad oo kaalinta kowaad ka galay tartan orod ah oo Maraykanka ugu qayb galay

Kolkii uu Maraykanka tagay Carafaad, caqabado kale oo nolosha iyo waxbarashada ayuu mar kale fooda daray markan waxaa u weheliya cunnada oo caqabadi ka qabsatay.

“Waxyaabo badan oo caqabado badana ayaa kula soo gudboonanaya, xagga waxbarashada waa ka duwan tahay halkii hore ee aad la qabsaday oo maadooyinkii waa sii aadkanayaan, xagga bulshada waa sii adkaanaysaa waayo dadkan waa dad cadaana oo saaxiibo kuma lihid. Cuntada maalmihii hore oo kale maadaama ad qof muslim ahay dhinac walba caqabad kala soo gudboonaynays” ayuu BBC-da u sheegay Carafaad.

Ka sokow waxbarashadiisa wuxuu docda kale ka watay tababarkisiii orodka, tababar ka fiican kii hore ee Somaliland ayuu sheegay inuu helay markii uu tagay Maraykanka. Waxaase caawisay meshii uu ku soo koray ee ahayd buuralayda iyo tababaradii uu ku soo qaatay Iskoolkiisii Abaarso.

Bartamaha bishan Carafaad Maxamuud Jaamac, wuxuu gaaray mid ka mida yoolalkiisii uu higsanayey isagoo kaalinta kowaad ka galay tartan maxlali ah oo loo qabto orodyahanno da’yar oo ka socda gobollada la isku yiraahdo New Englands ee waqooyi- bari Maraykanka, sida Hampshire, Massachusetts, iyo Connecticut.

Tartankaa soo la magacabo “loomis invitational,” waxaa ka galay in ka badan 150 orodyahan oo dhigiisa ah ayuu kaalinta kowaad ka galay.

Wuxuu BBC-da u sheegay in ku guulaysigaasi kaalinta uu galay ee kowaad ay ku dhiiri galinayso inuu sii xoojiyo dhanka orodka uuna ka faa’iidaysto fursado ku lamaan tartankaas oo ah inuu helo fursad jaamacadeed oo gudaha Maraykanka maada sida uu sheegay jaamacadu dalkaasi daneeyaan dadka hibada leh sida isaga oo kale ah.

Sida ehelkiisu u arkaan horumarkiisa

Carrafaad

Xigashada Sawirka,Ibraahim Siciid

Ibraahim Siciid Axmed, waa ehelka Carafaad Maxamuud Jaamac iyo qof masuulka ka ah Maraykanka maadaama uu da’yar yar yahay.

BBC-du ayuu Ibraahim ogolaansho u siiyey inay baahin karto sheekada Cafaraad maadaam uu yahay 16 sano jir.

Wuxuu sheegay inuu qoys ahaan ku faraxsan yihiin dadaalka mudada kooban ee uu sameeyey Carafaad.

“Waa wax lagu farxo horumark uu sameeyey afar sano ka hor wuxuu joogay Ceel-afweyn xoolo dhaqato ayuu ahaa muddo intaa le’eg qof hadda wax la baranay madaxda Maraykanka carruurtooda waa wax aad iyo aad loogu farxo, fursadaasna wuxuu ku helay dadaal dhiniciisa ah iyo Iskoolka Abaarso” ayuu BBC-da u sheegay Ibraahim.

Wuxuu intaa raaciyey in tani muujinayso in qof isagoo da’yar reerkiisa ka yimi hadda uu wadan aad ugu fog meeshii ka yimi uu ku nool yahay oo la qabsado ay tahay wax farxad leh.

Farriin ay soo dhigeen bartooda facebook, iskoolkiisii hore Abaarso ayaa ku ammaanay dadaalka ballaaran ee sameeyey Carrafaa

Source bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this