Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka dhigantahay magacaabista Janaraal Asad Cismaan Diyaano ?

Recommended Posts

Deeq A.   

madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed  u magacaabay Janaraal Asad Cusmaan Cabdulaahi (Diyaano), oo badelaya Sarreeye Gaas SulubAxmed Firin oo kamid noqday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa horay u ahaan Taliyaha Ciidanka PSF ee dowlad gobololeedka Puntland, sidoo wuxuu dhowr jeer u tartamay xilka madaxtinimada ee maamulkaas, waxaana Sargaal saameyn badan ku leh Ciidamada qalabka sida.

Sargaalkan oo kamida dadka sida weyn uga aragti duwan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo arkaa nin galaangal badan siyaasadda deegaanada maamulkaas, gaar ahaan ciidamada ugu awoodda badan laamaha nabad-gelyada Puntland ee PSF.

Janaraal Asad Cismaan Diyaan dadka sida dhabta u yaqaani waxay ku tilmaamaan nin karti leh oo wax badan ka badeli kara ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, magacaabistiisuna waxay ku soo beegmaysa xilli khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland  oo weli taaganyahay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this