Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacabista taliyaha cusub ee BOOLISKA

Recommended Posts

Deeq A.   
461423746_885688206993660_77706734820925

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib oo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha.

Taliyaha cusub ayaa sida aan horay idin-kula wadaagnay, kadib xog ay baahisay Caasimada Online waxaa loo magacaabay Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeeda Puntland, kaas oo ay magacaabistiisa maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ansixinta kadib warbixinnno kala duwan laga dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga.

Asad Diyaano oo muddo dheer naawilayay in la magacaabo xilkan ayaa ugu dambeyn maanta oo Khamiis ah helay fursadda gaarka ah ee uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninkan oo horay usoo hoggaamiyay ciidanka PSF-ta Puntland, sidoo kale laba jeer usoo tartamay xilka madxweynaha Puntland ayaa beddalaya taliyihii hore ee ciidanka Booliska Sulub Axmed oo isna xalay ra’iisul wasaare Xamza uu u magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulita hawada Soomaaliya.

Sulub kahor inta aan xilka laga qaadin waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu usii dalacsiiyay darajada Sarreeye Gaas, kadib munaasabad xalay ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu horay usii wado howsha Booliska oo ay ugu horreyso sugidda amniga caasimada Muqdisho.

Si kastaba, waxaa magacaabista Asad Diyaano kasii horreeyay tallaabo kale oo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu la-taliyeyaashiisa arrimaha dimuquraadiyadda iyo federaalka u kala magacaabay Axmed Jaamac Maxamed (Cillal) iyo Cabdisamad Maxamed Gallan oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland, kana mid ah mucaaradka madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

461297510_885688006993680_25223904998655 461391385_885688090327005_11600478466897 461396302_885688110327003_58035587650258 461416858_885688053660342_17691073862944 461423746_885688206993660_77706734820925

The post Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacabista taliyaha cusub ee BOOLISKA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this