Liibaan Posted November 9, 2009 Gen:Abdullahi Ilkajir's Marna Dhici Mayso in xad gudub lagu sameeyo Hogaanka SSC Waxaa dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu doortay hogaan siyaasadeed oo loogu magac daray SSC kaasi oo ay ula jeedadiisu tahay sidii loo midayn lahaa shacbiga beesha *********** dibna loogu soo celin lahaa gobolka Sool gaar ahaanna magaala madaxdiisa Lascaanood ee uu xoog milateri ku qabsaday maamulka Somaliland kana arrimiyo haatan siyaasad, ciidan iyo dhaqaaleba. Waxaa dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu doortay hogaan siyaasadeed oo loogu magac daray SSC kaasi oo ay ula jeedadiisu tahay sidii loo midayn lahaa shacbiga beesha *********** dibna loogu soo celin lahaa gobolka Sool gaar ahaanna magaala madaxdiisa Lascaanood ee uu xoog milateri ku qabsaday maamulka Somaliland kana arrimiyo haatan siyaasad, ciidan iyo dhaqaaleba. Waxaa shirkaasi ka qayb galay Isimo, siyaasiyiin iyo waxgarad ka kala socda qaybaha beesha *********** oo uu hor kacayo Garaad Jaamac Garaad cali garaadka guud ee ***********. Haddaba tan iyo xiligaasi oo hogaanka loo doortay Dr. Saleebaan Ciise Axmed( Xagla toosiye) iyo ku xigeenkiisa Mr. Sabarey, waxay xaalada SSC ku socotay xawli kulul waxaana dhinacyada Puntland iyo Somalilandba ka soo yeedhay diidmo iyo digniino ku saabsan siyaasada ururkaasi iyo in talaabo laga qaadi doono hogaankiisa haddii ay soo caga dhigtaan dhulka ay ka taliyaan labada maamul. Arrintaasi waxay ku abuurtay siyaasiyiin ku nool gudaha iyo dibaddaba gaar ahaanna u dhashay deegaanada Puntland in ay u arkaan talaabooyin khaldan oo aan marnaba la qaadan Karin oo ay banaan tahay in laga hortago sida ugu dhaqsaha badan. Waxaa in muddo ah socday dadaalo iyo xiriiro laga dhex wado wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Generaal Cabdullahi Jaamac Axmad (Ilka jiir) oo isagu in kasta oo uu in badan dhegaha ka furaystay arrimahaasi ay haatan u muuqato in uu seefta galka kala baxay iyadoo ay weliba qaraabo hoose yihiin Dr. Saleebaan Ciise, ka mid ahaayeen u tartamayaashii jagada madaxweynenimo ee Puntland, kana soo wada baqooleen carriga Maraykanka, horena ay wadaageen siyaasad isku dhow ka hor intaan la dooran Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdirahmaan Faroole. Waxaa waday dadaaladaasi rag magac weyn ku leh beelaha *********** iyo ********** oo ku kala nool Garoowe, Boosaaso, Dubai, London iyo maraykanka waxaana ugu dambayntii sida ay noo xaqiijiyeen lagu guulaysatay hordhac ahaan in ay wada hadal ka dhex abuuraan labada masuul ee jaangooya siyaasadda labada beelood. Waxaana dhacday in lagu heshiiyey qodobo muhiim ah ilaa hadda kuwaasi oo loogu jiro suxul duub sidii looga dhab sheegi lahaa kana mid yihiin: 1.. In la abuuro guddi hawl wadeenno midaysan oo ka kooban labada beelood gudaha iyo dibaddaba kuwaasi oo u xil saran dabagalka iyo fulinta qodobada uu dhigayo heshiisku. 2..In aanay marnaba dhicin in xad gudub lagu sameeyo sharafta iyo muwaadinnimada hogaanka SSC lana xiri Karin haddii ay soo caga dhigtaan deegaannada Puntland haddii ay dhacdona meel looga soo wada jeesto falkaasi. ( Generaal Ilka jiir oo aad u soo dhoweeyey arrinkaasi) 3..In mustaqbalka si xeel dheer looga wada hadli karo isticmaalka hogaanka SSC ee deegaanno ka mid ah beesha ********** gaar ahaanna xeebaha Sanaag si loo fududeeyo hirgelinta ujeedooyinka ururka SSC loona ilaaliyo nabadgelyada hogaanka sare ee SSC. In hogaanka SSC uu sida ugu dhaqsaha badan u baqoolo socdaallo dibaadda si markaasi uu ula kulmojaaliyadaha dibadda: Loogana dhaadhiciyo ujeedada dhow iyo tan fogba ee ururka SSC. In la diyaariyo qorshe dhaqaale ururin aad u fara badan oo lagu taakulaynayo hirgelinta ujeedooyinka ururka. Warkaasi waxaa na soo gaarsiiyey waxgarad lagu kalsoon yahay oo ka mid ah guddiga wada jira ee la abuuray. Mr. Daahir shire Warsame Nairobi-Kenya dahir.shire@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 9, 2009 It seems things are moving quite, this will trouble Shankaroon no doubt. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted November 9, 2009 Waxa uu hogaanka cusub ee SSC muujiyey firfirconaan, dadaal xad dhaaf, marka la eego sida ee durbaba u kasbadeen kalsoonida shacabka SSC, howsha fiican ee qabteen, iyo xowliga ee howlihu ku socdaan Heshiiskan cusub ee dhexmarey SSC iyo Puntland, waa horumar aad u wanaagsan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted November 9, 2009 IN THE TRAP Nairobi group have shown their political naivety by falling into the first trap set, indeed somaliland would love nothing more than if the nairobi crew went into the bossom of puntland once again. somaliland would not have any problems dealing with that, very easy indeed. this group by melting back into puntland fold and the old story they have lost any impetus and any claim they had to THIRD WAY, but by so quickly getting into bed with very unpopuler puntland in sool they have lost much credibility. Indeed the nairobi crew seem to be politicaly outsmarted and outmanouvered by faroole who actually sees them as very much threat to his garowe admin much more than SL does. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 10, 2009 Warkaasi waxaa na soo gaarsiiyey waxgarad lagu kalsoon yahay oo ka mid ah guddiga wada jira ee la abuuray. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted November 10, 2009 Positive news for the ssc people, I don't what to say lol. But I do know 1 thing I prefer to see SSC maamul in las canood before a somafiland one. But at the same time my first preference is of course that SSC remains in puntland, if that aint possible the second best option is the SSC model. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted November 10, 2009 Great move. T Quote Share this post Link to post Share on other sites