Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Gen. Asad Diyaano

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1727336172381.jpg?resize=720%2C48

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.

Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Gen. Asad Diyaano appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this