Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mucaaradka oo Muqdisho ka bilaabay diyaar-garow ka dhashay hanjabaadii Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Shariif-Kheyre-CC.jpeg?fit=2500%2C1500&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi weyn ayaa soo wajahday mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii Madaxweynuhu uu Jimcihii ku hanjabay in gurigiisa saqda dhexe loogu geli doono qofkii la ogaado inuu heysto hub sharci darro ah oo kan dowladda ama u diiwaan gashan aan aheyn.

Mucaaradka ayaa ka cabsi qaba in Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa, maadaama ay hubeysan yihiin, isla markaana guryaha ay ka degan yihiin Muqdisho ay ku heystaan hub ka madax-banaan kan dowladda.

Siyaasiyiinta qaar waxay bilaabeen in gaadiidka dagaalka ay banaanka uga soo saaraan guryaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, isla markaana difaac adag sameystaan, maadaama ay suurtagal tahay inay dowladdu weerarto, si hubka dhigis loogu sameeyo.

Mucaaradka ayaa u arka qorshaha Xasan Sheekh inuu yahay mid ayaga hubka looga dhigayo, waxayna isku diyaariyeen inay iska difaacaan weerar kasta oo uga yimaada dhanka dowladda.

Siyaasiyiinta qaar waxaa la sheegay inay dalbadeen hub ka badan kii ay horay u heysteen, si ay isku difaacaan oo Xasan Sheekh uusan ugu dhiiran in guryahooda uu ku weeraro, si hub ka dhigis loogu sameeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jimcihii khudbad dheer jeediyey ayaa sheegay in qofkii heysta hub sharci darro ah uusan sharaf laheyn, dowladuna ay ka qaadi doonto talaabo adag, iyadoo weliba gurigiisa loogu dhacayo saqda dhexe ee habeenkii.

Arrinta cabsida ku abuurtay mucaaradka waa in Xasan Sheekh oo xusay magacooda, isagoo yiri “Siyaasi, sarkaal ama ganacsade ahaaw qofkii heysta hub ma ixtiraami doono, waxaana loogu dhacayaa gurigiisa, weliba xili saq dhexe ah.”

Arrintaan ayaa shaki badan ku abuurtay mucaaradka, waxayna hadalkaas u arkeen in ayaga ku socda oo dowladu ay rabto inay la wareegto hubkooda, taasi oo khatar ku ah amnigooda, maadaama ay dayacmayaan xili kasta ay suurtagal noqon karto in la weeraro ama la dhibaateeyo.

Xildhibaan Gamaadiid oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah Mucaaradka Xasan Sheekh ayaa TV-ga Shabeelle u sheegay in mucaaradku ay is qalabeynayaan oo hub ay isku difaacaan ay soo iibsanayaan, si ay isaga difaacaan hadii Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa.

The post Xog: Mucaaradka oo Muqdisho ka bilaabay diyaar-garow ka dhashay hanjabaadii Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this