Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Failed Xasan Socdaal

Recommended Posts

Kuwii shalay doortay, codkooda la'aantiis uuna kursiga heli lahayn ayaa maanta Xamar ku hub aruursanaayo sey iskaga difaacaan weerarka Xasan. Soomaali wada colaad ah, caalamkana la wada colaad ah. Xasan hal qof siyaasi awood leh heshiis la yahay ma leh. Guudlaawaha ee Hirshabeelle ugu dambeeyey ay kala dhaqaaqeen.

Failed within two years of his regime. Worst Soomaali presidential tenure ever.

Mucaaradka oo Muqdisho ka bilaabay diyaargarow ka dhashay hanjabaadii Xasan Sheekh

Cabsi weyn ayaa soo wajahday mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii Madaxweynuhu uu Jimcihii ku hanjabay in gurigiisa saqda dhexe loogu geli doono qofkii la ogaado inuu heysto hub sharci darro ah oo kan dowladda ama u diiwaan gashan aan aheyn.

Mucaaradka ayaa ka cabsi qaba in Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa, maadaama ay hubeysan yihiin, isla markaana guryaha ay ka degan yihiin Muqdisho ay ku heystaan hub ka madax-banaan kan dowladda.

Siyaasiyiinta qaar waxay bilaabeen in gaadiidka dagaalka ay banaanka uga soo saaraan guryaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, isla markaana difaac adag sameystaan, maadaama ay suurtagal tahay inay dowladdu weerarto, si hubka dhigis loogu sameeyo.

Mucaaradka ayaa u arka qorshaha Xasan Sheekh inuu yahay mid ayaga hubka looga dhigayo, waxayna isku diyaariyeen inay iska difaacaan weerar kasta oo uga yimaada dhanka dowladda.

Siyaasiyiinta qaar waxaa la sheegay inay dalbadeen hub ka badan kii ay horay u heysteen, si ay isku difaacaan oo Xasan Sheekh uusan ugu dhiiran in guryahooda uu ku weeraro, si hub ka dhigis loogu sameeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jimcihii khudbad dheer jeediyey ayaa sheegay in qofkii heysta hub sharci darro ah uusan sharaf laheyn, dowladuna ay ka qaadi doonto talaabo adag, iyadoo weliba gurigiisa loogu dhacayo saqda dhexe ee habeenkii.

Arrinta cabsida ku abuurtay mucaaradka waa in Xasan Sheekh oo xusay magacooda, isagoo yiri “Siyaasi, sarkaal ama ganacsade ahaaw qofkii heysta hub ma ixtiraami doono, waxaana loogu dhacayaa gurigiisa, weliba xili saq dhexe ah.”

Arrintaan ayaa shaki badan ku abuurtay mucaaradka, waxayna hadalkaas u arkeen in ayaga ku socda oo dowladu ay rabto inay la wareegto hubkooda, taasi oo khatar ku ah amnigooda, maadaama ay dayacmayaan xili kasta ay suurtagal noqon karto in la weeraro ama la dhibaateeyo.

Xildhibaan Gamaadiid oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah Mucaaradka Xasan Sheekh ayaa TV-ga Shabeelle u sheegay in mucaaradku ay is qalabeynayaan oo hub ay isku difaacaan ay soo iibsanayaan, si ay isaga difaacaan hadii Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this