Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Khudbadda C/laahi Yuusuf Jeedin Doono

Recommended Posts

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

 

Mudane Iyo Marwooyin, waad salaamantihiin Dhamaantiin.

 

Xaalka maanta dalku uu marayo dhamaanteen waan kawada warqab-naa, sidaasi daraadeed waxaan jecelahay in aan warbixin kooban marka ugu horaysa idinka siiyo xaaladda dalku marayo.

 

Safarradii ugu danbeeyey ee aan ku tagay magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi waxay ku jihaysnaayeen kuwo watada tashi iyo falanqayn ku saabsan dalku maanta xaalada uu ku jiro, waxaana soo baxday in halka uu maanta marayo dalku ay tahay mid aan loo adkaysan Karin.

 

Kulankii aanu wada yeelayan madaxda dalalka shiyeeye dhamaanatood waxaanu uga waranay maanta dalku hadduu sidan ku sii socdo in uu gacanta u galayo xoogaga kale oo aanu u sheegnay in aanay dani ugu jirin dhamaan dawladaha aduunka, waxaana noosoo baxaday in dhamaan ay iska indha tiryaan xaalada maanta dalku marayo.

 

Dawlada maanta waxaan ka ahayn labada madaxtooye ee Baydhabo iyo Muqdisho gacanta uguma jiro, waxaana Gaalkacayo ilaa xuduuda dalka Kenya Gacanta ku haya kooxaha ka soo horjeeda dawladda, waxaanay arrimahan oo dhami ku yimaadeen xukuumadii sanad ka hor la magacaabay ee hadda aan shaqada hayn oo ka soo bixiweyday hawlihii iyo waajibaadkii loo xilsaaray.

 

Mar haddii uu maanta dalkii halkaa marayo waxaan aniga ay ila tahay in aan sidaas lagu sii eegan Karin, loona baahan yahay in go,aan laga qaato.

 

Ugu horayn waxaan u sheegayaa ummadda Soomaaliyeed in maanta dalkii Soomaaliya khatar horl eh soo food saartay, taas oo ay aad u soo baxday muddooyinkii ugu danbeeyey in kala qaybsanaata gudaha iyo danaha caalamku ka lee yahay Soomaaliya ay sii murgiyeen xaalada dalka ka taagan sidaasi daraadeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa qodobadan.

 

1-In la muujiyo isku duubni iyo midnnimo

 

2-In danaha gaarka ah laga horomariya danta guud oo laysku dayo in la badbaadiyo dalka, dib u heshisiintuna socotaa.

 

3-Soomaali waa in ay ka sii shaqaysaa sidii ay danaheeda iyadu u dhamaysan lahay meelna looga soo wada jeedi lahaa xal u helida dhibaatada dalka jirta.

 

4-Soomaalidu waa in ay aad ugu feejignaadaan faragalinta shisheeye ee Soomaaliya kala dhantaashay ee u diiday in uu salka dhigo dalka Soomaaliyeed

 

Waxa kale oo aan doonaya in aan maanta shacabka Soomaaliyeed runta jirta la socodsiiyo, haddii hore laysugu xaman jiray in arrimaha Soomaaliya cid ka socon waayeen, waxaan maanta shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in aanan noqon doonin Nin loo tuso in uu is hortaagay geedi socodka nabada, sidaasi daraadeedna waxaan shacabka u sheegayaa in aan Iska Casilay shaqadii aan u hayey ummadda, maadaama afartiisano iyo bilihii aanu hogaanka haynay ilaa maanta aysan jirin wax is badelay, aniga ooh ore ugu balan qaaday in aan shaqadan iska wareejin doono haddaan waxba ka qaban kariwaayo dhibaatada dalka ka jirta, maantana aan fukinayo balantii aan hore u qaaday.

 

Waxaana shacabka Soomaaliyeed leeyahay maanta anigu Nin weyn ayaan ahay oo waxbadan u soo joogay, wax badana Og,aduunyaduna waa muddo kooban oo aad noolaanaysid, ugu horayn waxaan ka codsanayaa Cafis iyo musaamax shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo, laysna wada cafiyo, danta guudna laga wada shaqeeyo,halkii ay Soomaali waligeed iska soo horjeedi lahayd, in maanta meel loowada jeesto, waxaana qabaa in maanta lala shaqeeyo cidkasta oo ummadda Soomaaliyeed midayn karta, ciday doonaanba ha Ahaadeene , qofkuna wax waa hagaajin karaa, waxna waa halayn karaa, waana guulaysan karaa waana guul daraysan karaa,maadaama uu u adeegayo shacabkiisa.

 

Waad salaaman tihiin dhamaantiin.

 

C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this