Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1727103128553.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal, kuwaas oo Soomaaliya ay u soo magacaabeen dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

Danjireyaasha causub ee Madaxweynuhu  ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Nounke Kaba, Safiirka Jamhuuriyadda Guinea
2. Caitríona Ingoldsby, Safiirka Ireland
3. Julia Pataki, Safiirka Romania
4. Cristina Díaz Fernández-Gil, Safiirka Boqortooyada Spain
5. Mirko Giulietti, Safiirka Switzerland
6. Rose Sakala, Safiirka Jamhuuriyadda Zambia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Safiirada cusub ku soo dhoweeyay Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka ay metalaan, isaga oo u sheegay Danjireyaasha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow la yeelato dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

Safiirada cusub ayaa dhankooda tilmaamay in ay xooga saaridoonaan horumarinta xiriirka labada dhinac, iyaga oo uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan.

FB_IMG_1727103132459.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1727103136013.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1727103143778.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1727103147579.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1727103155150.jpg?resize=720%2C55 FB_IMG_1727103159134.jpg?resize=720%2C63

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this