Sign in to follow this  
Deeq A.

Xizbullah oo gantaallo ku duqaysay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in tiro gantaallo ah ay Axaddii shlay ahayd ku weerareen saldhig millatari oo ku yaalla gunta Israel, maalin kaddib marki ay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ku garaacday caasimadda Beyrut ay ku dishay ugu yaraan 37 qof oo uu ku jiro Ibrahim Caqiil oo ahaa taliye sare oo ka tirsan garabka ugu sarreeya millatariga Xizbullah.

Ma cadda in gantaallada Xizbullah ay ku weerartay Israa’iil ay ku dhaceen bartilmaameedkooda. Waaxda gargaarka degdegga ah ee Israel ayaa sheegtay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray nin ku sugnaa tuulo ku taalla aagga la weeraray.

Warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa ku warramay in gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ka hor tageen oo ay burburiyeen hubka lidka gantaallada meel u dhaw magaalada Xayfa.

Xizbullah waxay sheegtay in ay Israel ku garaacday daraasiin gantaallo ah oo ay ku jiraan gantaallada Fadi 1 iyo Fadi 2 oo ah gantaallo cusub oo ay kooxda sheegtay in aysan hadda ka hor adeegsan.

Waxay kaloo sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa saldhiga ciidamada cirka Israel ee Ramat David ee ku yaalla koonfur bari ee magaalada Xeyfa.

Weeraro isugu jiray duqeyn cirka ah iyo qaraxyo loo adeegsaday aalado is-gaarsiineed oo ay Xizbullah dibadda kasoo iibsatay oo ka dhacay Lubnaan, ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 39 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3,000 oo ruux.

Ra’iisul Wasaaraha Lubnan Najib Mikati ayaa sheegay inuu joojiyay safar uu ku imaan lahaa magaalada New York oo uu uga qeybgali lahaa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this