Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa inaan Bad helnaa ujeedadayadu ma ahan Deked…” La-taliyihii hore ee amniga Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

La taliyihii hore ee amniga raysal wasaaraha Itoobiya ahna agaasimihii Guud ee Sirdoonka iyo Nabadsugida Itoobiya, Redwan Hussien, ayaa ka dhawaajiyay Itoobiya in ayna doonayn deked, balse ay doonayaan inay bad helaan.

Redwan Hussien ayaa aaminsan in Itoobiya mar hore lumisay fursad ay bad ku heli kartid, hase ahaatee, markaan wuxuu sheegay wax kaste haku qaadatee inay Itoobiya ka go’an tahay inay bad hesho

“Waa inaan Bad helnaa ujeedkeena ma ahan Deked, wax kasta ay nagu qaadato waxaan luminay fursadeenii ugu horreysa xiligii Mililiq. Laakiin hadda nagama hoos bixi doonto,” ayuu yidhi Redwan Hussien

Horraantii sannadkan ayaa wareysi laga qaaday sarkaalkan mar uu ahaa la taliyaha amniga ee raysal wasaare Abiy, wuxuu sheegay, in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla ogaayeen heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ilaa heshiiska si rasmi ah loo saxeexay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this