Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Masar (Egypt)- Oo mawaadiiniintooda ku sugan Somaliland ku amray in ay iskaga baxaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Masar ee Muqdisho ayaa uga digaysa dadka Masaarida ah inay u safraan Somaliland, waxaanay ugu baaqday muwaadiniinta halkaas ku sugan inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan, iyadoo xustay in xaaladda ammaan ee mandaqada hadda ka jirta ay xaddidayso in wax kasta oo talooyin ah la siiyo dadka Masaarida ah ee jooga Somaliland

Dawladda Somaliland ayaa laba todobaad ka hor xidhay Maktabadii ay masaaridu ku lahayd Somaliland sidoo kalena xiligaasi u qabatay dhamaan shaqaalaha ka hawl galaa in dalka isga baxaan mudo 72 saacadood gudahood.

Colaada ka dhex qaraxday Somaliland iyo Masar ayaa salka ku haya isfahamka ay So.aliland la gaadhay dalka Itoobiya iyo sidoo kale dalka Masara oo aan dhex ka noqon arimaha siyaasada ee u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia.

Dalka Masar xidhiidhkii qarniyada badan soo jiray kama uu dhaxaynin Somalia iyo Masar ee waxa uu ahaa mid u dhaxayn jiray Masarar iyo Somaliland kaasi oo gaadhsiisnaa ilaa Faraaciintii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this