Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Dubai ee caasimadda dalka isutagga Imaaradka Carabta.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la kulmi doona dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda isutagga Imaaraadka carabta oo uu casuumaad rasmi ah ka helay, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta iyo iskaashiga xiriirka labada Baarlamaan, gaar ahaan dhinacyada khibrad wadaagga, waayo aragnimada iyo horumarinta.

Guddoomiyaha oo booqasho labo maalmood ah ku joogi doona Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku metela Baarlamaanka wadamada Carabta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this