Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Uganda oo si naadir ah uga hadlay doorashada dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726985434896.jpg?resize=644%2C36

General Muhoozi oo ah Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa sheegay in uusan u tartami doonin oo uu ka haray doorashada madaxweynaha Uganda ee 2026 .

“Waxaan rabaa inaan cadeeyo oo aan ku dhawaaqo in aanan tartami doonin oo aan ka haray tartanka doorashada 2026” ayuu yiri wiilka Madaxweynaha dalka Uganda Gen. Muhoozi.

“Eebbe weyne wuxuu ii sheegay inaan ugu horeyn diiradda saaro arrimaha Ciidamada,Sidaas darteed, waxaan si buuxda u taageerayaa Madaxweyne Yoweri Museveni doorashada xigta,” ayuu yiri sii raaciyay Muhoozi

Henry Samoa oo kamid ah Mucaaradka uganda ee dalka dibediisa u cararay ayaa usoo jawaabay General Muhoozi, wuxuuna yiri”Xagee Doorasho ka dhacaysaa ? Ma dalkan uu aabahaa ka dhigtay dukaan uu leehay.”

“Ciyaarta kala taga oo dareenkooda ilaaliya shacabkan adiga iyo aabahaa aad dhibaatayseen .Maalin aan fogeyn dalka waa la idinka qaban doona,ciqaabna waad mari doontaa,markaas waxaad dhalada ka aragto nooma Sheegi doontid.”

PUNTLAND POST

The post Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Uganda oo si naadir ah uga hadlay doorashada dalkaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this