Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Qaramada Midoobay Oo Somaliland u yimid arimaha Doorshada Dalka ka dhici doona

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Doorshada Ka Wada Hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
img_2_1726925015440.webp
Hargeisa-21-09-2024-(Qarannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka booqasho ku yimi.
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Cilmi Xasan (Shiine)
Agaasime ku-xigeenka Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this