Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo sheegay in dadku iyagu xor u yihiin cidda ay dooranayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaa loo tarjuban karaa haddalada Saylici iyadoo olole doorasho socdo

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu baaqay dadka in ay doortaan cidda ay doonayaan ee ay u arkaan in ay waxqaban karto, xilli uu bilowday loollanka loogu jiro doorashada Madaxtinimada Somaliland. Cabdiraxmaan Saylici, oo hadallo uu maalmihii u dambeeyey ka jeedinayey fagaareyaal kala duwan, ayaa tilmaamay in dadka iyagu xor yihiin cidda ay dooranayaan, taas oo ka duwan Khudbada ay jeedinayaan masuuliyiinta Kulmiye ee kale oo iyagu dadka cod weydiinaya”Aniga wax qabanaya ma taalo, ee idinku aqoontiina cidda aad doonaysaan ku doorta. Waa in aqoontu idin bartaa ka dalka iyo dadkiina u danta ah” ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenkuWaxa uu intaasi ku daray “Annaga oo Kulmiye ah, ma lihin annagaa durduro malab ah samaynayna ee na doorta, Nin walba wixii uu qabtay waa la garanayaa ee caqligiina ku kala doorta”Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, toddobaadkii hore jeediyey hadal kale oo dhaliyey oo dood badan, kaas oo uu ka jeediyey Kulan Xisbigiisa Kulmiye ku soo bandhigayey Barnaamijkiisa siyaasaddeed, oo uu goob joog ka ahaa Madaxweyne Muuse Biixi.”Gaadhiga ninkii wadi og ha loo doorto, anigu odhan maayo ha loo daayo” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici, oo si dadban u sheegay in Somaliland loo doorto nin wadi og, taas oo dood iyo hadal hayn ka dhalisay Somaliland.Cabdiraxmaan Saylici, ayaa 14 sanno ee u dambeeyey Madaxweyne kuxigeen ka ahaa Somaliland, isaga oo laba muddo xileed Madaxweyne kuxigeen u soo noqday Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Muuse Biixi.Xisbiga Kulmiye, waxa sannadka murrashax Madaxweyne kuxigeen u ah Maxamuud Xasan Saajin, oo ah Wasiirka Ganacsiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this