Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya asaga iyo madaxweynaha dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa shaaca ka qaaday jiritaanka khilaaf xooggan oo u dhexeeya isaga iyo madaxweyne William Ruto, asagoo xaqiijiyay inuu wajahayo cadaadis iyo caqabado ka dhan ah awooddiisa fulineed.

Wareysi uu siiyay TV-ga maxalliga ah ee Citizen ayuu Gachagua ku sheegay in xafiiskiisu uu culays kala kulmaya saaxiibada madaxweynaha, wuxuuna ballanqaad beenoobay ku tilmaamay hadal-jeedintii William Ruto ee xilligii ololaha doorashada, taas oo ay qeyb ka ahayd inuusan oggolaan doonin in madaxweyne ku xegeenkiisa la xaqiro .

Si kastaba ha ahaatee, Gachagua, ayaa daboolka ka qaaday mad-madow xoogani uu soo kala dhex galay asaga iyo Ruto, wuxuuna xusay in saaxiibada madaxweynuhu ay xil gudashadiisa caqabad ku yihiin, taas oo ah dhaqan madaxweyneyaashii soo maray dalkan ku yaalla bariga Afrika intooda badan lagu eedeyn jiray.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this