Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka waddanka Sri Lanka oo saaka u dareeray doorashada Madaxweynaha dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   
ee24e2c7-659f-4c33-a394-54ab85b0751f_w40

Malaayiin qof oo ka mid ah dadweynaha waddanka Sri Lankans ayaa saakay oo sabti ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub.

In ka badan 17 milyan oo qof oo ka mid ah 22-ka milyan ee ku nool Sri Lanka ayaa isu diiwaan-geliyay in ay codadkooda dhiibtaam.

Waxay kala saari doonaan saddexda murashax ee doorashada ku tartameysa oo kala ah madaxweynaha hadda talada haya Ranil Wickremesinghe iyo hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo sidoo kale Anura Kumara Dissanayake.

Ciddi ku guuleysata xilka madaxtinimada ayaa waxaa sugeysa shaqo adag ah kor u qaadidda dhaqaalaha fadhiidka ah ee dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaas oo aanan wali kasoo kabsan qalalaaso dhaqaale oo uu dhex fadhiyay 10-ki sano ee lasoo dhaafay.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo dalkaasi ka dhacda tan iyo marki uu dumay nidaamki dhaqaale ee Sri Lanka sannadki 2022-kim markaas oo dalka laga waayay sarrifka lacagaha qalaad.

PUNTLAND POST

The post Shacabka waddanka Sri Lanka oo saaka u dareeray doorashada Madaxweynaha dalkaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this