Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Port Minister Our Prisons Are Not Hotels. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Wasiirka Dekedaha Puntland: Xabsiyadeenu Bakhaaro Ma ahan, Waxaan Jecelnahay in La Fududeeyo Dadka Ku Jira (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC Radio) Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in maamulka uu dhowaan fulin doono xukunada dadka ku xiran xabsiyada ee dembiyada kala duwan loo heysto gaar ahaan xukunada dilalka ah ee ay maxkamaduhu rideen.

 

Wasiirka oo ka hadlay shir saxaafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in maxaabiista ku jirta xabsiyada ee ku eedeysan falalka burcad badeednimada ay tiro bateen loona baahan yahay in sharciga la waafajiyo maadaama ay buux dhaafeen xabsiyadu.

 

“Waxaad moodaa in xabsiyadeenu bakhaaro noqdeen, waxaan jecelnahay inaan fududeyno dadka si dhakhso leh”, ayuu yiri wasiirku.

 

“Waxaan u maleynayaa in wax badan la fulin doono, wixii dhimanaya ee waqtigoodu galay in la khaarajiyo oo la dilo. Laakiin ma noqoneyso in meel la iskaga hayo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka dekedaha Puntland oo hadalkiisa laga dhedhesan karay in la khaarajin doono qaar ka mid maxaabiista dilalka ku xukuman ee weli ku jira xabsiyada kuwaas oo qaarkood horey kiisaskooda loo joojiyey.

 

Wasiirka dekedaha ayaa ku baaqay in go’aan deg deg ah laga gaaro maxaabiis toddoba ah oo maalintii Khamiistii lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamada Puntland ku soo furteen markab MV QSM Dubai kaasi oo burcad badeedu ka afduubeen xeebaha Puntland.

 

Siciid Maxamed Raage ayaa dhinaca kale fariin u diray dadweynaha reer Puntland isagoo sheegay in ka fogaadaan taageerida burcad badeeda ama inay hab qabiil u difaacaan marka la soo xiro kooxaha afduubyada geysta, wuxuuna yiri.

 

“Waxaan shacabka reer Puntland uga digayaa magaaladii martigalisa burcad badeeda sharci baa laga soo saarayaa, wax dambe oo burcad badeed ah kama sii jiri doonaan xeebaheena. Waxaan shacabka uga digayaa inay magaalooyinkooda ku soo dhoweeyaan burcad badeeda ama inay gaadiid la timaado”,

 

Wasiirka mar uu ka hadlay hawlgalkii markabka MV QSM Dubai lagu soo furtay waxaa uu sheegay in haddii maamulka loo fasaxo soo furashada maraakiibta ay u fududahay in xoog lagu soo badbaadiyo dhamaan maraakiibta ku afduuban xeebaha Puntland, isagoo dhinaca kalena ku eedeeyey wadamada iyo shirkadaha iska leh gaadiidka la afduubo aysan ogoleyn in xoog lagu soo furto oo ay taasi bedelkeeda madax furasho siiyaan burcad badeeda.

 

Waxaa uu tacsi u diray eheleadii uu ka geeriyooday kabtankii markabka MV QSM Dubai Captain Sayed Jacfar Jafari oo u dhashay dalka Pakistan kaasi oo ay burcad badeedu ku dishay markabka markii ay afduubeen.

 

Meydka Kabtankaasi oo hadda yaalla Boosaaso ayuu wasiirku sheegay in loo duulin doono dalkiisa dhowaan si halkaasi loogu aaso.

 

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladu hadda gacanta ku heyso toddobadii nin ee geystey afduubka markabka uu ku geeriyooday kabtankaasi, kuwaasi oo la sugayo tallaabada uu maamulku ka qaadan doono burcad badeedaasi oo weliba degaanada Puntland ka soo jeeda.

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio

 

Wasiirka dekedaha, Siciid M. Raage

w1-300x225.jpg

 

Burcad badeedii ay ciidamadu soo qabteen

w3.jpg

 

Burcad badeeda waxaa lagu bilaabay baaritaan

w4.jpg

 

w5.jpg

 

w6.jpg

 

w7.jpg

 

w8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this