Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo gudaha caasimadda Lubnaan ee ku dishay abaanduule sare oo ka tirsan Xisbullah

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil ayaa duqeyn shalay ay ka fulisay caasimadda Lubnan ee Beyruut ku dishay 14 qof oo uu ku jiray abaanduule sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.

Sida ay sheegeen Warbaahinta gudaha duqeynta ayaa ka dhacday guri ku yaalla xaafadda ay dadka aadka ugu badanyihiin ee Daaxiya ee koofurta.

Waxaa duqeynta ayaa lagu dilay Ibrahim Caqiil oo ahaa abaanduulaha guutada ugu sarreysa Xizbullah ee loo yaqaano Radwaan.

Afhayeenka millatariga Isra’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ay dileen Ibrahim Caqil iyo 10 sarkaal oo kale oo tirsan saraakiisha Xisbulah.

Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida ninkaan Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Ibrahim Caqil uu ahaa halyeey dagaayhan ah oo ku biiray safka shuhadada saraakiishi ka horreysay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this