Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka digay shaqada ay qabtaan kooxaha CBB-da ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay aflagaadada baraha bulshada loo marsiiyo qabaa’ilka iyo siyaasiyiinta, kadib khudbad uu maanta ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada Qaranka.

Xasan Sheekh ayaa maanta cadeeyey in dowladiisa aan laga difaacin baraha bulshada, isla markaana uusan raali ka aheyn in dadka Soomaaliyeed lasoo aflagaadeeyo.

“Walaalayaal hadalada xun hala joojiyo, waxaba ma tarto, waa aduunyo iyo aaqiro beel, nin siyaaasi ah oo dadka ka soo horjeeda aad u aflagaadeyso, waxaba uma tareyso,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in siyaasadda aysan ugu jirin, isla markaana uusan jirin qof uu u wakiishay inuu soo aflagaadeeyo qofkii ka aragti duwan dowladda.

“Ma rabno, siyaasad iyo xukun noogama jiro inaad darteen dadka u aflagaadeysaan, qof walaal ah aflagaadadiisa darajo ku gaari meyno, cid aan howshaas u dirsanay ma jirto, hada kadib waxaan rabnaa qofkii horay dadka u caayi jiray inuu joojiyo, kii soo caayi rabayna uu ka waantoobo arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Khudbadda Madaxweynaha waa dheereed, wuxuuna kaga hadlay arrimo badan, balse qeybtaan wuxuu diiradda ku saaray arrin dadka maankiisa ka guuxeysay muddo dheer, dowladii tiisa ka horeysana ay ku soo caana-maashay, waa ‘aflagaadeynta dadka ka soo hor jeeda siyaasadda xukuumadda.’

Kooxaha qabta shaqada uu Madaxweynuhu ka digay waxay xooganaayeen xiligii uu Farmaajo joogay xukunka, waxaana horay loogu bixiyey magaca CBB (Cayayaanka Baraha Bulshada) waxayna si abaabulan u aflagaadeeyaan siyaasiyiinta muujisa in aysan la dhacsaneyn siyaasadda xukuumadda markaas jirta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed alle uga baryey inuu is jecleysiiyo oo xumaanta ka fogeeyo “dadka Soomaaliyeed isma necba, inta yar ee ku dhex jirtana beerkooda burcad allaha isku mariyo,” ayuu yiri, Xasan Sheekh loogama baran inuu maal-geliyo kooxaha CBB-da loo bixiyey.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka digay shaqada ay qabtaan kooxaha CBB-da ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this