Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka digay isticmaalka hubka sharci-darrada ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, khudbaddiisii Jimcaha, wuxuu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo iskaashiga bulshada si loo ilaaliyo qarannimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimadu tahay aasaaska nabadda iyo horumarka dalka. Waxa uu ka digay khataraha ka imanaya cadowga shisheeye, kuwaas oo mararka qaar isku dayaya in ay kala qoqobaan ummadda, taasoo keeni karta fowdo iyo burbur.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu adkeeyay fulinta go’aannada xukuumadda ee la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah. Wuxuu caddeeyay in hub sharci-darro ah uu khatar weyn ku yahay amniga shacabka iyo xasiloonida dalka, isla markaana la dagaallanka arrintan uu yahay talaabo muhiim ah.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka qeyb qaataan ilaalinta amniga, islamarkaana ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa dalka. Waxa uu sidoo kale ku adkeeyay in la xoojiyo wadajirka, si loo dhiso mustaqbal ka wanaagsan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this