Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay hubkii ay Itoobiya maanta dalka soo galisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa shixnadaha hubka iyo saanadda sida sharci darrada ah looga soo daabulayo dhulka Itoobiya ee la geynayo deegaannada Puntland ee Soomaaliya.

Tallaabadani waxay ka dhigan tahay xad-gudub weyn oo lagu sameeyay madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna keenaysaa saamayn amni oo heer qaran iyo heer gobol ah.

Cadeymo la diiwaan geliyay ayaa xaqiijinaya imaatinka labo baabuur oo hub ka soo qaaday Itoobiya kuna soo jeeday Puntland, kuwaas oo lagu fuliyay fal diblomaasiyadeed ama fasax, taasoo muujineysa in si cad loogu xadgudbay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay sida ay Itoobiya ugu hoggaansanto shuruucda caalamiga ah iyo sida ay ugu heelan tahay xasilloonida gobolka.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka tarjumeysa shixnad hub ah oo horay uga imaan jirtay Itoobiya, iyadoo la sheegayo in hub si lamid ah loo daabulay deegaanada Galmudug iyo keyd kale oo diyaarad lagu soo galiyay Baydhabo.

Soomaaliya waxay dalbanaysaa in si degdeg ah loo joojiyo xadgudubyadaas, maadaama ay khatar gelinayaan nabadda Geeska Afrika oo dhan. Waxaan ugu baaqaynaa saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay cambaareeyaan xadgudubkan ayna xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this