Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka ogtahay saxiixa ay qeybta ka tahay Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa?

Recommended Posts

Deeq A.   
460592365_1021428963357043_7485821702281

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya saxiix ay qeyb ka aheyd Soomaaliya iyo dalalka kale.

Saxiixan oo ahaa midka qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034 ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiiradda dalxiiska ee urur-gboleedka IGAD, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Waxaa xusid mudan in wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya uu ka baaqday shirkan, taas bedelkeedana uu saxiixan u wakiishay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika iyo dalka Itoobiya Cabdullaahi Warfaa.

Danjire Warfaa oo ka wakiil ahaa wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Soomaaliya u saxiixay qorshaha guud ee dalxiiska waara ee 2024–2034, kaas oo ay qalinka ku duugeen wasiirada dalxiiska ee dalalka ku bahoobay IGAD.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay kasii dartay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii ay Addis Ababa ku saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, iyadoo caddeysay halka ay ka taagan tahay difaaca dhulkeeda, haddii ay Itoobiya ka laaban weydo is-afgaradkan sharci darrada ah.

Waxaa sidoo kale fashilmay wada-hadallo uu laba jeer Turkiga u qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, halka uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka dhex-dhexaadinta labada dal, kaasi oo la filayay in uu ka furmo magaalada Ankara.

Si kastaba, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa maalmihii dambe hawada isku marinayay hadallo xanaf leh, kuwaas oo qeyb ka ah sii kala fogaanshaha labada dhinac iyo in haatan ay xiisadda kasii darto.

460625799_1021428916690381_7203066026847

460592365_1021428963357043_7485821702281
460430398_1021428980023708_2906014233505
460468192_1021428936690379_7751844740259
460726741_1021428913357048_2613375050592
460659013_1021428953357044_5528992054496

The post Maxaad ka ogtahay saxiixa ay qeybta ka tahay Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this