Sign in to follow this  
Deeq A.

Aalado kale oo isgaadhsiineed oo lagu qarxiyay Xizbullah iyo khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama foomeeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xidhiidhayeen, ayaa Arbacadi ku qarxay meelo badan oo ka mid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac badan.

Tani ayaa imaneysa maalin kaddib marki ay ku dhawaad 3,000 oo ka mid ah dagaalyahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaadh-siineed oo lagu wada xadhiidho, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale. Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac.

Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah, ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah.

Isra’il si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant, ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Isra’il Arbacadii sheegay, in Isra’il ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal.

Ma soo hadal qaadin aaladaha qarxa balse wuxuu amaanay shaqada ciidamada Israa’iil iyo hay’adaha amniga, isagoo yidhi “natiijooyinka waa kuwo aad u cajiib ah.”

Xisbullah waxay weerarkan ku eedeysay Isra’il. Waxayna wacad ku martay in ay ka aargudan doonto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this