Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabe gabadhiisa iyo xaaskiisa ku waayay webi ku yaala Fransiiska oo ka warramay sida ay wax u dhaceen

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabar da’adeedu ahayd ilaa afar sano jir oo lagu magacaabo Mustaqiim Axmed iyo hooyadeed Muna Jaamac oo Soomali ah ayaa ku naf-waayay webi ku yaala magaalada Paris ee caasimadda dalka Fransiiska.

Gabadha yar ayaa la sheegay in markii hore ku dhacday webiga, taas oo keentay in hooyadu isku daydo inay soo badbaadiso inanteedi balse nasiib darro ay iyaduna biyuhu qaadeen sidaasina ay labadooduba ku geeriyoodeen.

Axmed Ismaaciil Aadan oo webiga ku waayay xaaskiisa iyo gabadhiisa oo BBC-da u warramay ayaa dhacdadan xannuunka leh ku tilmaamay “qadar ku dhacday”.

Webigan oo aan ahayn mid xiran ayaa la sheegay inay khatartiisu badantahay, wuxuun ku yaalaa aag ay carruurta ku ciyaaraan sida uu sheegay aabaha.

Waxaa uu intaa ku daray inuu waddanka Fransiiska kula noolaa muddo afar sano.

Gabadha iyo hooyadeed ayaa la arkay iyagoo biyaha dul sabeynaya.

Faahfaahin la xirriirta sheekadan: Gabar iyo hooyadeed oo Soomaali ah oo ku qarqoomay webi Faransiiska ku yaalla

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this