Sign in to follow this  
Saalax

Faroole oo Waji Gabax kala Kulmay Meles Zanewi

Recommended Posts

Saalax   

C/Raxmaan Maxamed Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyey joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sida lugu baahiyey warbaahinta Itoobiya wuxuu la kulmay wasiirada arrimaha amniga, gaashaandhiga & dibadda ee dawladda Itoobiya oo uga yeertay magaalada Garoowe.

 

 

Faroole oo ay la socdaan xubnno ka soo jeeda Puntland oo ka tirsanaa maamulkiisa ayaa kala hadlay dhinacyada ay la kulmayeen dagaallada ka bilowday Waqooyi Bari Soomaaliya & taageerada ay rabaan.

 

 

Warqad qoraal ah oo la gaarsiiyey Raysalwasaaraha Itoobiya, kana tagtay dhinaca Puntland ayaa lugu xaqiijiyey in uu Faroole codsaday ciidan ka badan 2000 oo Askari kuwaas oo uu sheegay in ay wax ka qabanayaan amaanka Boosaaso & la-dagaalanka waxa ugu yeeray argagixisada caalamiga ah.

 

 

Qoraalka waxaa kaloo la raaciyey in ay Puntland ubaahan tahay in ka badan 50 sarkaal oo ah tababarayaal ka shaqeeya oo kaliya dhallinyarada la keenayo sidii loo siin lahaa tababarro kala gedisan, waxaana sidoo kale lugu qoray bayaankaas in ay u baahan tahay Puntland hub xoog leh oo lugu qalabeeyo ciidamada kala geddisan.

 

 

Faroole oo ka dhowrayay saaxiibkiis Meles Zanewi jawaab wanaagsan ayaa kala kulmay waji gabax markii ay Itoobiya diidday in ay ciidamadeeda galiso Soomaaliya gaar ahaana deegannada Buuraleyda ah ee Bari.

 

 

Warar hoosaadyo aad ugu dhaw Faroole ayaa xaqiijinaya in ay Itoobiya diidday in ay ciidan nooc kasta oo uu yahay ay udirto deegaannada Puntland. Dhanka tababarada ayaa loo ogolaaday in uu soo dirsado 750 Askari kuwaas oo la siin doono tababarro kooban balse waxa ay diidday Itoobiya in gudaha Puntland uu tago askari udhashay dalkeeda.

 

 

XIGASHO somali midnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this