Saalax Posted September 6, 2010 C/Raxmaan Maxamed Maxamuud oo maalmihii ugu dambeeyey joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sida lugu baahiyey warbaahinta Itoobiya wuxuu la kulmay wasiirada arrimaha amniga, gaashaandhiga & dibadda ee dawladda Itoobiya oo uga yeertay magaalada Garoowe. Faroole oo ay la socdaan xubnno ka soo jeeda Puntland oo ka tirsanaa maamulkiisa ayaa kala hadlay dhinacyada ay la kulmayeen dagaallada ka bilowday Waqooyi Bari Soomaaliya & taageerada ay rabaan. Warqad qoraal ah oo la gaarsiiyey Raysalwasaaraha Itoobiya, kana tagtay dhinaca Puntland ayaa lugu xaqiijiyey in uu Faroole codsaday ciidan ka badan 2000 oo Askari kuwaas oo uu sheegay in ay wax ka qabanayaan amaanka Boosaaso & la-dagaalanka waxa ugu yeeray argagixisada caalamiga ah. Qoraalka waxaa kaloo la raaciyey in ay Puntland ubaahan tahay in ka badan 50 sarkaal oo ah tababarayaal ka shaqeeya oo kaliya dhallinyarada la keenayo sidii loo siin lahaa tababarro kala gedisan, waxaana sidoo kale lugu qoray bayaankaas in ay u baahan tahay Puntland hub xoog leh oo lugu qalabeeyo ciidamada kala geddisan. Faroole oo ka dhowrayay saaxiibkiis Meles Zanewi jawaab wanaagsan ayaa kala kulmay waji gabax markii ay Itoobiya diidday in ay ciidamadeeda galiso Soomaaliya gaar ahaana deegannada Buuraleyda ah ee Bari. Warar hoosaadyo aad ugu dhaw Faroole ayaa xaqiijinaya in ay Itoobiya diidday in ay ciidan nooc kasta oo uu yahay ay udirto deegaannada Puntland. Dhanka tababarada ayaa loo ogolaaday in uu soo dirsado 750 Askari kuwaas oo la siin doono tababarro kooban balse waxa ay diidday Itoobiya in gudaha Puntland uu tago askari udhashay dalkeeda. XIGASHO somali midnimo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 6, 2010 news: somali midnimo. Quote Share this post Link to post Share on other sites