Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: More weapons confiscated PICS

Recommended Posts

Saxaafadda oo loo soo bandhigay Tekniko iyo hub fara badan oo maanta laga soo bixiyey Xarun uu Eng. C/qaadir Eenow. ku leeyahay Xaafadda Mariino ee Magaalladda Muqdishu

 

Mogadishu, Isniin, June 18, 2007

 

Taliye-ku-xigeenka Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Cabdi Maxamed Fiidow "John", ayaa maanta lagu wareejiyey Tekniko iyo hub fara badan o oay Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ka soo bixiyeen Xaruun uu Ganacsade Eng. C/qaadir Eenow ku leeyahay Xaafadda Mariina ee Degmadda C/casiis ee Magaalladda Muqdishu.

 

Jeneral John, waxa uu Faahfaahin ka bixiyey noocyadda hubka lagala wareeegay Eng. Eenow, isagoo carrabka ku dhuftay inuu hubkaasi yahay mid khatar ah oo halis ku ahaa deganaanshaha guud ee Ummadda.

 

Jeneral Fiidow, waxa uu sheegay in hubkaasi la helay kadib, markii ay Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka sameeyeen hawlgalkaasi, wuxuuna xusay inuu Hawlgalkaasi qeyb ka yahay sidii Magaalladda looga ururin lahaa hubka.

 

"Magaalladda Muqdishu, waxaa jooga hubkii iyo kooxihii geysan jirey Qaraxyadda, waana arrinta aan ku daba-joogno" ayuu yiri Jeneral Cabdi Maxamed Fiidow, oo gaashaanka ku dhuftay inay Boliska hebeenkii ka seexdaan Hawlgalka lagu ugaarsanayo kooxaha miinooyinka iyo qaraxyadda ka geysta qeybo ka mid ah Magaalladda Muqdishu.

 

Dhinaca kale, Garaashka Engoneer Eenow, ayaa lagu soo bandhigay hubkii faraha badnaa ee halkaasi laga helay, kuwaasi oo kala ah:-

 

* Qoriga lagula dagaalamo Diyaaradaha ee SAM 2 oo hal xabbo ah.

* Qoryaha Dhuun-shilko oo 2-xabbo ah.

* Qoryaha Lidka Diyaaradaha ee Zuu oo 2-xabbo ah.

* Qoriga Brown Fifty oo 3-xabbo ah.

* Qoriga loo yaqaano Zuu-badeed oo 1-xabbo.

* Qoryaha Jebshaha oo 7-xabbo ah.

* Qoryaha Fudud ee AK 47 iyo Faal oo aan cadad lahayn

* Boobaha Culus ee BKM (Daba-miishaar) oo 1-xabbo ah.

* Noocyo kala duwan oo rasaas ah.

*Gantaalka Garbaha laga gano ee Seven.

Sidoo kale, waxaa halkaasi lagu soo bandhigay dhowr Gawaaridda la dul-saaro qoryaha culus, oo kala ah Jeemis iyo Land-cruiser Pick Up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Hubkii ugu badnaa oo maanta lagu soo qabtay baaritaan hub oo laga sameeyay xaafado Muqdisho ku yaalla

Posted to the Web Jun 18, 14:55

 

Muqdisho (PP) – Ciidammada Ethiopian-ka ah iyo kuwa Soomaalida ee baaritaananda hubka ka waday Muqdsiho ayaa waxay maanta hub badan kala soo baxeen xaafadaha Kaaraan, C/casiis iyo Degmada Yaaqshiid oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Banaadir.

 

 

 

Ciidammadaan ayaa waxay hubka ugu badan ka soo bixiyeen laba garaash oo ay kala lahaayeen Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Eng. C/qaadir Eenoow iyadoo labadaas geerash lagala soo baxay hub isugu jira kuwo fudud iyo kuwo culclus.

 

 

 

Garaashka Eng. C/qaadir Eenoow oo ku yaalla Degmada C/casiis ayaa waxaa laga soo saaray hub isugu jira kuwa lidka diyaaradaha iyo kuwa kale ee ay ciidammadu garabka ku xambaartaan, iyadoo la tusay saxaafadda.

 

 

 

Sidoo kale Garaash uu leeyahay Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku yaalla Degmada Yaashiid ayaa isagana waxaa laga soo saaray hub aad u fara badan oo isugu jira kuwa lidka diyaaradaha iyo kuwa kale ee fudud, waxaana sidoo kale la tusay saxaafadda.

 

 

 

Hubka laga soo saaray labadaan garaash ayaa ahaa midka ugu badan ee maanta laga soo bixiyay xaafadaha Muqdisho, ee baaritaanka lagu sameeyay, waxaana tani ay noqonaysaa howgalkii ugu horreeyay ee lagu guulaysto in hub cadadkaan oo kale ah lagu soo saaro.

 

 

 

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka xubnaha laga soo qaaday garaashyadooda hubka noocan ah, waxaana lagu wadaa in howsha hub ururinta ah ay sii socoto maalmaha soo socda.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Hub_4.jpg

 

Duke saxiib, anyword from Xubsireed latest condition, I hope he gets better Inshallah..amiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Xuubsireedle, was gunned down today I wouldn't pray for his recovery though.....the man got what he deserved.

 

P.S Is that him on the Picture?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

In the background, he is a good fella in persona, but IU guess he was overtaken by the same emotions thaqt has blinded Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuubsireed seems to be ok, some wounds nothing major he is doing his job thats all. The sites closest to him have reported this including Somaliweyn.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

Xuubsireed seems to be ok, some wounds nothing major he is doing his job thats all. The sites closest to him have reported this including Somaliweyn.com.

Saxiibo hadalkaas ka firso wax hadhw kugu so noqon doona aya jira.

Xuubsireed Allah ka badbadiyo dhawaca so garey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I am siting the latest update on his condition as sourced from various Somali sites including Somaliweyn, Allpuntland and Puntlandpost. My news comes from there.

May Allah retsore the brother to full health.

 

Madaxtooyadda DFKMGS, oo xaqiijisay in
Afhayeenka Madaxweynaha caawa lagu dhaawacay Muqdishu

 

Mogadishu, Isniin, June 18, 2007

 

Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyadda DFKMGS, C/waaxid Maxamuud Xasan, ayaa caawa u xaqiijiyey Idaacadda Somaliweyn in Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Maxamed Maxamuud "Xuub-sireed" lagu dhaawacay Isgoyska Degmadda H/wadaag ee Magaalladad Muqdishu.

Agaasimahaasi, waxa uu beeniyey wararka sheegayo in si xun loo dhaawacay Afhayeenka, isagoo tilmaamay inay Dhakhaatiirta daawaynayso Afhayeenka ay sheegeen inuusan xaallad khatar ah ku jirin Xuub-sireed, oo ay haatan la tacaalayaan Dhakhaatiirta Ciiddamadda Ugandhese-ka ee Xaruunta Caafimaad ku leh Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Madaxweyne Aadan Cadde ee Magaalladda Muqdishu.

 

Mar wax laga weydiiyey wararka sheegaya inay Dhakhaatiirta Isbitaalka Madiina sheegeen inaysan waxba ka qaban karin dhaawaca Xuub-sireed, waxa uu sheegay inaysan taasi maqlin, inkastoo uu qiray in dhaawaca Xuub-sireed la geeyey Isnitaalka Madiina, ka hor inta aan loo sii gudbinin Isbitaalka AMISOM ee ku dhex yaalla Madaarka Caalamiga ee Aadan Cadde.

 

Dhinaca kale, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sida ay tahay xaalladda Afhayeenka Madaxweynaha DFKMGS, Xuub-sireed, oo caawa lagu tacshiiradeeyey Isgoyska Wadadda H/wadaag ee Magaalladda Muqdishu.

 

Wararka Loo-qaateenka ah, ayaa waxay sheegayaan inuu Afhayeenku ku dhaawacmay tacshiirad ay isweydaarsadeen Ciiddamo ka tirsan kuwa DFKMGS iyo Ilaaladda Gaarka ee la socotay, kadib, markii ay kala shakiyeen.

 

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijin kara sababaha rasmiga ee dhalisay in Afhayeenka DFKMGS la dhaawaco.

 

Inta badan Ciiddamadda DFKMGS ee ilaaladda ka haya Waddooyinka muhiimka ee Magaalladda Muqdishu, waxay habeenkii xayiraad ku sameeyeen Waddooyinka, si aysan Kooxaha wax qarxiya aysan ugu soo dhex dhuumanin gaadiidka yaryar ee isticmaala waddooyinkaasi.

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this