Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan oo sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadallo nabadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF-ta ayaa sheegay inay diyaar xal nabadeed oo laga gaaro dagaalka dalkaas socday in ka badan 17 bilood, iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay wada-hadallo nabadeed oggolaadaan.

Madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay Arbacadii in dowladda Sudan ay diyaar u tahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka ka holcaya dalkaas.

Dhankiisa hoggaamiyaha fallaagada RSF Mohamed Hamdan Dagalo ayaa asna Khamiista maanta ah sheegay inay oggolyihiin wada-hadallo nabadeed oo xal loogu helayo dagaalka ku dhowaad labada sano ka socda dalka ku yaalla bariga Afrika.

“Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay wada xaajoodka xabad joojintu, waxaan aaminsanahay in dariiqa nabada ay ku jirto wada-hadal, ma aha rabshado aan kala sooc lahayn, waxaana sii wadi doonaa inaan galno hababka nabada ah si aan u xaqiijino mustaqbal wanaagsan, loogana gudbo cabsi iyo silic ay dhammaan dadka rayidka ah ee Suudaan soo wajaheen,” ayuu yiri Mohamed Dagalo.

Si kastaba ha ahaatee, labada nin ayaa muujiyay niyad wanaag ku aaddan soo afjaridda colaadda ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof tan iyo markii uu dagaalka Suudaan qarxay bishii April ee sanadkii 2023.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this