Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caawa ansixiyay Safiiro Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726687876959.jpg?resize=720%2C48

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid, ayaa lagu ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah:

1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) –  Safiir

2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. 

Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka.

Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta,  iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caawa ansixiyay Safiiro Cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this