Sign in to follow this  
Deeq A.

Biden oo ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan inay dib u wadahadlaan si loo soo afjaro colaadda, taasoo soo jiitamaysay in ka badan sanad.

Bayaan ka soo baxay Madaxweynaha ayaa ku booriyay Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo kooxaha ka soo horjeeda ee Rapid Support Forces (RSF) inay dib u soo celiyaan ciidamada, una fududeeyaan gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladayn.

Mr Biden ayaa xusay in macaluul ay ka dilaacday gobolka Darfur, ayna qarka u saaranyihiin malaayiin dad ah oo ku sugan dalka Suudaan.

Sheekooyinka dilka sharci darrada ah ee labada dhinac ayaa soo shaac baxay tan iyo markii uu dagaalku billowday, waxaana horraantii bishii June soo shaac baxday mid ka mid ah eedeymahaas.

RSF ayaa lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysatay tuulada Wad al-Nurah ka dib markii ay madaafiic ku garaacday isla markaana ay dad ku toogteen guryahooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this