Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo xukun dil oo kama danbays ah ku riday Sayid Cali Macalin Daa’uud

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726640583768.jpg?resize=720%2C48

Maxkamadda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun kama danbays ah ka soo saartay kiiska xukmane Sayid-Cali Macallin Da’uud oo lagu helay dilka xaaskiisi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Axmed Yuusuf ayaa shaaciyay in Sayid Cali Macalin Daa’uud lagu helay denbigii lagu soo eedeeyay cadeyntiisa islamarkaana uu si kas ah u dilay xaaskiisii marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in Maxkamadda sare ku raacday xukunadii dilka ahaa ee ay horey ugu soo rideen Sayid Cali Macalin Daa’uud Maxkamadda gobolka Banaadir iyo tan racfaanka.

Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda sare ayaa waxaa soo dhaweeyay ehelada marxuumad Luul Cabdicasiis kuwaas oo sheegay in mudda sagaal bilood ah ay sugayeen xukunka waxayna dalbadeen in si deg deg ah loo fuliyo xukunka dilka ah.

Halkan ka daawo xukunka

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo xukun dil oo kama danbays ah ku riday Sayid Cali Macalin Daa’uud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this