Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 3000 kun oo ka tirsan Xisbullah ayaa ku dhaawacmay aaladda pagers-ka oo ku qaraxday

Recommended Posts

Deeq A.   
c71af933-ee8b-4ee8-8b45-1a9e59d0d51e_w40

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen in ka badan 2,800 oo kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay hal mar wada qarxeen aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaar-siineed oo lagu wada xariiro, farriimahana is isugu gudbiyo.

Qalabkan ku qarxay xubnaha ka tirsan ururka Xisbullah ee Lubnan ayaa lagu soo sameeyay Jasiiradda Taiwan kadib markii kooxdu ka dalbatay shirkadda soo sameysay ilaa 5,000 oo xabbo ka hor inta aysan qarxin. Saraakiisha Xisbullah ayaa ku eedeeyay sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Israa’iil weli kama aysan hadlin weerarkaan. Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Matthew Miller ayaa sheegay, in Dowladda Mareykanka aysan horay u sii ogeyn weerarkasi. Wuxuu intaasi raaciyay in ay hadda billaabeen ururinta xogta.

Ilo-wareedyada dhanka amniga ayaanan wali caddeynin nooca iyo awoodda qaraxyada lagu weeraray Lubnaan, balse mid ka mid ah khubarrada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, qaraxyada lasoo geliyay aaladda Pager-ka ee dhanka isgaarsiinta uu ahaa wax yar oo la eg saddex garaam.

Pager-ka ayaa ah qalab elektaroonic ah oo dhumucdiisu ay gaareyso kalkuleetarka, waxaa lagu xiran karaa suunka ama la gashankaa jeebabka. Farriim qoraaleedyada iyo codadka ayaa la isugu diri karaa.

PUNTLAND POST

The post Ku dhawaad 3000 kun oo ka tirsan Xisbullah ayaa ku dhaawacmay aaladda pagers-ka oo ku qaraxday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this