Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinno ka soo baxaya qaabkii uu u dhacay weerarka isgaarsiineed ee ay Israa’iil ku qaatay Xisbullaahi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xogo iyo Faahfaahinno isi soo taraya ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhacay weerar dhinaca isgaarsiinta ah oo maamulka Israa’iil uu la beegsaday xubno ka tirsan ururka Xisbullaahi ee dalka Lubnaan.

Wararka ayaa sheegaya in boqolaal qof oo saraakiil sar sare iyo dad rayid ahi ku jiraan ay weerarka waxyeello ka soo gaartay, islamarkaana Danjiraha dowladda Iran ee dalkaasi uu kamid yahay dadka dhaawacmay.

Ururka Xisbullah ayaa dhinacooda xaqiijiyay in saddex qof oo uu ku jiro ilmo yari ay ku dhinteen qaraxyadii ka dhacay dalka Lubnaan oo ahaa kuwo noocoodu uu dunida naadir ku yahay.

Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday farsamo teknoolajiyadeed oo sahashay in teleefanno badani ay dadkii adeegsanayay ku qarxaan, waxayna Israa’iil si gaar ah u beegsatay qalabka isgaarsiinta ee madaxda ururka Xisbullaahi ay isticmaalaan.

Weerarkan ayaa dhaliyay walaac caalami ah, ayadoo dowlado badani ay shaki ka muujinayaan bedqabka iyo amaanka hannaankooda isgaarsiineed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this