Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka hadlay xaaladiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudigga xuquuqul insaanka ee Somaliland ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen xadhigga xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo labo toddobaad ah ku xidhan xabsiga Mandheera.

Guddiga oo booqday xildhibaanka ayaa waxay sheegeen in lagu xadgudbay xasaanaddii xildhibaannku lahaa oo aan la dhowrin.

waxaay dowladda ugu baaqeen in xidhibaanka uu helo xuquuqdiisa dhanka cadaaladda.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in sii xidhnaashaha xildhibaanku ay walaac hor leh keeneyso

Guddiga xuquuqul insaanka ayaa waxa ay soo jeedinayaan in sida ugu dhaqsaha badan uu u helo xuquuqdiisa cadaaladeed.

BBC-da oo la xiriirtay markale qoyska xildhibaanka ayaa waxa ay sheegeen in xaaladdiisu ay wanaagsantahay isla markaana hooyadii loo ogolaaday in ay booqato oo ay halkaa ugu tagtay.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa dhankiisa sheegay in wax dhibaato ah uusan qabin ama aan loo geysan intii uu xidhnaa.

Xildhibaan oo weli ku xidhan ayaan maxkamad lasoo taagin iyada oo guddigu ay sheegeen in aan la tixgelin xildhibaanka maadama uu xasaanad leeyahay.

Jamhuuriiyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland weli kama aysan jawaabin soo jeedinta guddiga xuquuqul insanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this