QabiilDiid Posted August 27, 2007 Gudoomiyaha Fanaaniinta Soomaaliyeed oo maalintii 3-aad Baydhabo ku xiran Gudoomiyaha dalada Fanaaniinta Soomaaliyeed Abwaan Yuusuf Maxe'd Muumin (Yuusuf Yare) ayaa maalintii sadexaad wuxuu ku jiraa xabsiga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Abwaan Yuusuf yare oo ka mid ah Abwaaniinta waa weyn ee Soomaaliyeed waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa abwaankii sameeyey ama alifay Riwaayadii caanka aheyd ee Yaa u Wanqaley Waqtiga taasi oo ka mid aheyd riwaayadaha sida weyn loogu daawashada badnaa. Sababaha loo xirey Abwaan Yuusuf Yare ayaa la sheegay in ay tahay ka dib markii uu mid ka mid ah xubnaha Baarlamanka uu sheegtey in uu lacag ku leeyahay Abwaanka, balse Abwaan Yuusuf Yare wuxuu si adag u beeniyey inay jirto wax lacag ah oo uu ku leeyahay xildhibaankaasi, balse isagu uu siin jirey lacag xildhibaanka. Abwaan Yuusuf Yare dhawaan ayaa loo doortey gudoomiyaha dalada fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaana uu dalka dibadiisa ka yimid mudo ka hor, halkaasi oo uu ku noolaa sanooyinkii ay aloosnaayeen colaada Soomaaliyeed. SBC News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 28, 2007 Baydhabo Labaatanjiroowgii gaalshiraha caanka ahaa ee u dhawayd ayee noqotay maanta. Nin walba la iska xirto. Sadexda guddoomiye ee Diinsoor, Buurhakaba iyo Qansaxdheere ayee xirteen accusing them masuqmaasuqnimo, haddana abwaankaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites