Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD oo ka wada-hadlay Xiisadda Gobolka Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726502991705.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo Maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay Gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol” aya lagu sheegay Qoraalkaasi.

Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka Gobolka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD oo ka wada-hadlay Xiisadda Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this