Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda shiinaha oo sii daysay baadari Mareykan ah oo ku dhawaad 20 u xirnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Shiinaha ayaa sii daayay David Lin, oo ah baadari u dhashay Mareykanka, kaasoo xabsiga ku jiray tan iyo 2006, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanku.

Lin, oo hadda 68 jir ah, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay inuu galay khiyaamo qandaraas sida ay sheegeen mas’uuliyiinta garsoorka Shiinuhu.

Washington ayaa muwaadinkam u aqoonsatay inuu si khalad ah u xiran yahay xukuumadda Beijing, waxayna muddo sanado ah dalbanaysay in la sii daayo.

Line ayaa hadda ku laabtay dalkiisa Mareykanka, asagoo dib ula midoobay qoyskiisa oo ay muddo 20 sano ah kala maqnaayeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this