Sign in to follow this  
Deeq A.

Fatahaadihii ugu xumaa oo ka dhacay Yurub iyo dad ku dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   
aeb63155-3d9c-45a4-bcb7-b5e3ded1e49d_w40

Bucharest (Caasimada Online) – Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay daadad xoog oo ku dhuftay dalalka dhaca bartamaha qaaradda Yurub, kadib roobab mahiigan ahaa oo maalmihi lasoo dhaafay ka da’ay halkaasi.

Meelaha ay daadadka xoogga leh saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Austria, Czech Republic, Poland iyo Romania.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in waddamada Slovakia iyo Hungary ay daadadku gaari doonaan.

Ilaa lix qof ayaa la xaqiijiyay in daadadku ay ugu dhinteen dalka Romania halka min hal qof ay ku dhinteen dalalka Austria iyo Poland.

Booliska Jamhuuriyadda Czech ayaa sheegay in la la’yahay afar qof oo ay daadku qaadeen.

Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in rubuc malyuun qof laga daad-gureeyay Jamhuuriyadda Czech. Guryo badan ayaa dumay halka kuwo kale oo bandanna ay korontada ka tagtay.

Fatahaadahan ayaa lagu sheegay kuwi ugu xumaa ee soo mara mandiqadda Bariga Yurub muddo 30 sano ah.

The post Fatahaadihii ugu xumaa oo ka dhacay Yurub iyo dad ku dhintay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this